Xog: Kursiga HOP#106 ee beesha Galmaax Yoonis oo loo xiray Farmaajo saaxiibkiis

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in kursiga beesha Galmaax ee horay ugu fadhiday Drs. Mina Xasan Shibis uu hadda madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u xiray Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle) oo ay saaxiibo yihiin.

Yuusuf Jaalle ayaa horay usoo noqday maareeyaha guud ee hey’adda saadaasha  iyo duulista Hawada Soomaaliya, balse xilkaasi laga qaaday markii lagu eedeeyay dib u dhac iyo in safaradiisa dibada ay bateen.

Farmaajo ayaa ku qancinaayo Yuusuf Jaalle kursiga beesha Galmaax, maadaama Yuusuf Jaalle uu tirsanaayo xumaan ugu timid saaxiibkiis Farmaajo oo uu ka mid ahaa xubnihii ugu dhow dhowaa markii uu xilka qabtay iyo kahorba ololihii doorashadiisa.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in tartanka kursigaan HOP#106 ee beesha Galmaax ay tartankiisa ku jireen xubno uu ka mid yahay xildhibaanka beesha Celi Cumar ku matala HirShabeelle Cabdullaahi Cadde, Muxiyaddiin Darboweyne, oo kasoo jeeda beesha Mataan Cabdullaahi, iyo xubno kale, balse markii ay arkeen damaca Villa Somalia ay ka quusteen islamarkaana aysan wax dhaqaale ah ku bixin ololahooda.

Qorshaha ayaa ahaa in sanadkaan kursiga beesha Galmaax la siiyo beesha Maxamed Muuse ama Mataan Cabdulle, ama Cabdulle Galmaax, maadaama ay sanadkii hore qaadatay beesha Celi Cumar,

Warar kale ayaa sheegaya in kursigaan sanadkaan la siin doono beesha Maxamed Muuse hase ahaatee loo xiro doono qof dumar ah, walow warkaasi uusan aheyn mid la hubo.

Waxaa horay kursigaan ugu fadhiday Mina Xasan Shibis, oo xiligaan hami ay ku tartanto laheyn maadaama ay ku eedoowday beesha ay ku madali jirtay oo ay ka tirsanayaan cabashooyin badan.