Xog: La kulanka labaad ee Kheyre ee BF oo ka adkaan doona kii koowaad

Muqdisho (Caasimada Online) –  Shalay waxaa magaalada muqdisho ka dhacday taariikh weyn markii Ra’isulwasaaraha cusub uu helay dhamaan codadkii xubnaha baarlamaanka ee soo xaadiray kulankii codka loogu qaadayey Xasan Cali Kheyre.

In baarlamaanka ay ansixin doonaan Ra’isulwasaaraha uu soo magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay aheyd mid la wada sugayey balse inuu helo dhammaan codadka baarlamaanka oo gaarayey ilaa 231 xildhibaan waxay aheyd lama filaan dhacay.

Haddaba su’aasha ugu adag ee la is waydiinayo ayaa ah miyey golaha wasiirada cusub ee uu ra’isulwasaaraha soo magacaabo heli doonaan codadka ugu badan xubnaha Baarlamaanka?

Midaas way iska caddahay sababtoo ah waligeedba muranka ugu badan ee ansixinta wuxuu ka dhallan jiray golaha wasiirada maadaama ay yihiin kuwa ay ku tashtaan beelaha kala duwan ee Soomaaliyeed.

Markii uu Ra’isulwasaaraha ku dhawaaqo wasiiradiisa cusub waxaa soo bixi doono sida la filayo beelo ku qanci waayey wasiirada kusoo aaday.

Sida caadiga ah Ra’isulwasaaraha iyo Golaha wasiirada waxaa dhib badan in loo raadiyo codadka Baarlamaanka Wasiirada waxaana laga war sugayaa sida uu Ra’isulwasaaraha cusub ugu qanciyo Baarlamaanka inay codkooda siiyaan wasiiradada uu soo magacaabi doono.

Madaxweynaha Iyo Ra’isulwasaaraha oo ka cararayo inay diidmo kala kulmaan Baarlamaanka ayaa lasoo sheegayaa inay soo magacaabi doonaan Wasiiro aad u badan oo gaarayo ilaa 30 wasiiir si loo qanciyo beelaha kala duwan.

Si kastaba waxaa la filayaa in Baaralmaanka ay ansixin doonaan wasiirada cusub ee lasoo magacaabi doono maadaama Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu heysto taageerada xildhibaano badan kuwaas oo ka cabsanayo haddii ay ka horimaadaan inay banaanbaxyo kala kulmaan shacabka Soomaaliyeed oo aad ugu qanacsan madaxweynaha cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com