Maxay Ahlu Sunna ka dhaheen codsigii Farmaajo ee ahaa in ciidamadooda la qarameeyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha  Soomaaliya oo hadafkiisa koowaad ee dowladiisa ku sheegay inay tahay sidii loo mideyn lahaa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya si mar kale loo soo celiyo awoodii aan ku laheyn  qaaradda Africa.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu qarameyn doono ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca oo hadda la sheego in maamulkooda ay ku faraxsan yihiin xukuumadiisa.

Mas’uuliyiinta Ahlu Sunna ayaa ka dhawaajiyey inay si weyn uso dhaweenayaan hadalka madaxweynaha ee ahaa in la sameeyo ciidamo qaran oo mideysan  waxayna dhankooda sheegeyn inay si weyn arrintaan uga qeyb qaadan doonaan.

Sheekh Isxaaq Mursal Geesdheere oo ka mid ah Mas,uuliyiinta Ahlusuna Waljamaaca ee Konfurta Soomaaliya oo wareysi siiyey raadiyaha dowladda ee (Radio Muqdisho) ayaa ka dhawaajiyey inay arrintaas diyaar u yihiin ayna la shaqeyn doonaan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Mas’uulkaan ayaa sheegay in wadan kasta uu hormar ku gaaro in ciidamadiisa la mideeyo sidoo kalana la helo ciidamo qaran oo leh hal hadaf.

Waxaa uu in taas Ku darey Hadii ay yihiin Ahlusunada Konfurta in Ciidankooda Ay Ku biirin Doonaan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Si kastaba Hogaanka cusub ee dalka ayaa waxaa uu Muujiyey in ahmiyad gaar ah siin doonaan Ciidamada Dalkeena ayna ilaalin doonaan xuquuqda Ciidanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com