Warbixin: Fadeexaddii Trump iyo Putin oo arrin xasaasi ah ay kusoo korortay

Washington DC (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka Jeff Sessions wuxuu laba goor la kulmay safiirka Ruushka, ka hor doorashadii Mareyknak ee Trump uu ku guuleystay, dowladda ayaa sidaas xaqiijisay.

Mr Sessions, oo xilligaasi ahaa xubin ka mid ah aqalka sare, wuxuu sheegay, bishii January in uusan xiriir la lahayn Ruushka.

Markale ayuu hadalkaasi ku celiyay arbacadii, wuxuuna sheegay “inuusan weligii la kulmin saraakiisha Ruushka, uusanna kala hadlin arrimo ololaha la xiriira”.

Xubno ka mid ah xisbiga Dimuquraadiga ayaa ku eedeeyay inuu “ka been sheegay dhaarta” waxayna dalbanayaan inuu iscasilo.

Sidoo kale waxay ka dalbanayaan inuusan faraha la galin baaritaan ay wadaan FBI-da Mareykanka, taasi oo uu xalay aqbalay.

Baaritaanka wuxuu ku saabsan yahay galaangalkii Ruushka uu ku lahaa doorashadii Mareykanka.

Waxaa la eegayaa xiriirada saraakiisha Ruushka iyo kuwii ku lugta lahaa ololihii doorashada ay wada yeesheen.

Ciidamada sirdoonka Mareykanka waxay horey Ruushka ugu eedeeyeen inuu jabsaday kumbuutarada Dimuquraadiga si Trump ay uga caawiyaan inuu Hillary Clinton ka guuleysto.

Lataliyihii dhanka amniga qaranka ee Trump, Michael Flynn, ayaa shaqada laga ceyriyay ka dib markii lagu eedeeyay inuu marin habaabiyay Aqalka Cad.

Marin habaabinta ayaa ahayd wada hadal uu la yeeshay safiirka Ruushka ee Washington. Waxaa la sheegayaa inuu kala hadlay arrimo la xiriira cunna qabateynta saaran Moscow.

Sida uu baahiyay wargeyska Washington Post ayna xaqiijisay waaxda cadaaladda, Mr Sessions wuxuu la kulmay safiirka Ruushka Sergei Kislyak, asigoo ka socday guddiga senate-ka ee hubka.

Waxaa la sheegay in labadan nin ay laba jeer wada kulmeen sanadkii tagay. Wuxuu wargeyska sheegay in kullan qarsoodi ah ay ku yeesheen xafiiska Mr Sessions, bishii September.

Mr Sessions wuxuu sanadkii la soo dhaafay oo keli ah la kulmay 25 safiirro ajaaniib ah.

Muxuu baaritaanka cusub yahay?

Arrinta ku saabsan in Ruushka uu faragelin ku sameeyey doorashadii Maraykanka iyo in kale ayaa noqotay su’aal waydiinteeda ka dhamaan wayday madaxweyne Donald Trump.

Guddiga aqalka barlamaanka ee u qaabilsan sirdoonka oo in muddo ahba baarayey arrintaasi ayaa haatan waxa uu sheegay in uu baaritaanadiisa balaarin doono oo uu eegi doono falalkii iyo dhaqdhaqaaqii Ruushka intii ay socotay doorasahada, waxa uu intaasi ku daray guddiga in uu eegi doono dhinac walba oo suurtagal ah si uu u sal gaaro xaqiiqda.

Waaxda sirdoonka ee FBI iyo guddiga u qaabilsan sir doonka aqalka senate ayaa waday baaritaano arrintan ku saabsan.

CIA-da iyo laamaha kale ee sirdoonka ayaa horay u sheegay in dowladda Putin ay dadaal u gashay sidii uu ku guulaysan lahaa madaxweyne Trump iyo ay ceeb u yeelaan masharixii la tartamaysay ee haweenaydii Hilary Clinton.

Balse su’aasha ugu muhiimsan ee ay tahay in laga jawaabo aya waxay tahay, ilaa xad intee buu ololaha Trump ka war hayey waxa uu sameynayey madaxweynaha Ruushka iyo dowladiisa?

Madaxweyne Trump iyo kooxdiisuba waa ay beeneeyeen in wax xiriir ah ay la sameeyeen Ruushka ama ay ka war hayaanba in uu jiray xiriir noocaas ah intii uu socday ololaha doorashada.

Bishii la soo dhaafay la taliyihii dhinaca amaanka qaranka ee Trump, Machael Flynn ayaa shaqadii laga ceyriyey kadib markii la sheegay in uu been u sheegay caqalka cad, xiriir isaga la sameeyey safiirka Ruushka ee dalka Maraykanka u jooga kuna saabsanayd cunaqabateenadii lagu soo ragay Moscow .

Xigasho: BBC