Xog: Laba guddi oo sabab u ahaa in Maareeye joojiyo ‘sharuurkii’ warbaahinta DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiyada kala ah guddiga gurmadka fatahaada iyo guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa maalmo ka hor warqad cabasho ah u qoray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxayna warqadaasi aheyd mid ka dhan wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Guddiyadaan ayaa cabashadooda salka ku heysay in lacago kumanaan dollar ah oo loo yaqaan “sharuur” lagu xujeeyay in ay bixiyaan si loogu qabto barnaamijyo toos ah oo shaqadooda ku saabsan islamarkaana laga sii deen lahaa Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in warqad ay ku qorneed cadad lacageed oo laga soo dhiibay xafiiska wasaaradda warfaafinta, taas oo lagu badalanayay barnaamij loo qaban lahaa guddiga gurmada fatahaadaha loo geeyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya isagoo heesta cabasho ka horeysay oo ay gudbiyeen guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka oo laba jeer war looga joojiyay lacag ay bixin waayeen.

23-kii August, Caasimada Online ayaa sidoo kale qortay in Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka, Xaliimo Yareey ay warbaahinta qaranka ku eedeysay musuq maasuq iyo ka ganacsiga hantida qaranka.

Kheyre ayaa wasiirka warfaafinta ku amray in uu soo saaro warsaxaafadeed lagu joojinayo in wararka laga sii daayo warbaahinta dowladda lacag yihiin wixii xiligaas ka dambeeyo maadaama ay weriyaasheedu mushaar qaataan baahinta shaqada dowladana aanan lacag lagu xirin.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa todobaadkaan soo saaray warqadaas waxaana hadda lacag la’aan laga dhigay guud ahaan wararka ka baxa hay’adaha warfaafinta ee dowladda sida radio muqdisho iyo sntv oo markii hore lacag ahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com