Xog: Laba wasiir oo maanta gacanta iskula tagay, xilli uu socday shirka G/Wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf sababay gacan ka hadal ayaa maanta dhaxmaray wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo wasiiru dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga xilli uu socday shirka sii hayaasha Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Cali Amardambe iyo wasiiru dowlihiisa Maxamed Cali Xagaa ayaa la sheegay in dood dhaxmartay ay sababtay in ay gacanta iskula tagaan, sida ay noo sheegeen ilo wareedyo goobjoog ahaa kulankii maanta.

Doodda labada wasiir ayaa salka ku heysay arrimo shaqo, waxaana la sheegay in aysan jirin cid kala dhax-gashay ilaa ay gacanta iskula tagaan waxaana goobjoog ahaa sii haya xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ayaa Caasimada Online u sheegay in maamul xumo, is barbar yaac iyo nidaam la’aanba ay ka jirto shirka wasiirada tan iyo markii uu xilka ka digay Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in dood dheer kadib uu shirka ka baxay wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xildhibaan Amardambe iyadoona wixii markaas ka dambeeyay si la soo gaba gabeeyay shirkii wasiirada.

Labadaan wasiir ayaa sidoo kale ah Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya waxaana lagu soo kala doortay Muqdisho iyo Baydhabo waxaana khilaafkooda uu noqday hadal weyn oo ka jirta Muqdisho.