Xog: Lafta-gareen oo amray in lasoo xiro xubno ka mid ah maamulka Wanla-weyn

Wanla-weyn (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa la sheegay in uu bixiyay amar lagu soo xirayo guddoomiyaha degmada Wanla-weyn iyo ku-xigeenkiisa Arrimaha Bulshada, kadib markii uu dagaal culus ku dhaxmaray degmada. 

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in masuuliyiin ka tirsan ciidamada amniga, maxkamada ciidamada qalabka sida iyo maamulka gobalka lagu amray in la soo xiro masuuliyiintaas. 

Saraakiil ku sugan Balli-doogle ayaa sheegay in guddoomiyaha arrimaha Bulshada la geeyay Balli-doogle kadibna la soo fasaxay markii uu diiday guddoomiyaha degmada in uu asna tago. 

Sidoo kale xogta ayaa tilmaameysa in guddoomiyaha degmada uu diiday in uu tago taasoo keeni karta in xoog lagu soo qabto. Guddoomiyaha oo halkaas ku magacaaban muddo ka badan Lix sano ayaa heesta ciidamo beeleed hubeysan. 

Odayaal dhaqan oo ka soo jeedo dhinacyada dagaalamay oo qaraabo ahaanna isu dhaw ayaa arrinta ku jira waxaana la sheegay in ay isku dayayaan baajinta ammarka la bixiyay ee soo qabashada ah. 

Maalmo ka hor degmada Wanlla-weyn oo ku taala gobalka Shabeelada Hoose waxaa ku dagaalamay ciidamo ay kala hogaaminayaan labada guddoomiye waxaana dagaalkaas ku dhintay ku dhowaad 10 qof oo shacab u badan.

Dagaalka ayaa salka ku hayey maamulka isbaaro lacag badan ay kasoo xarooto.