Maxay tahay digniinta kasoo baxday guddoomiye Jeyte?

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo maanta ka hadlayay fatahaadaha Webiga Shabeelle uu ka geysto deegaanada gobolka ayaa digniin adag u diray hay’addaha ka howl-gala gobolka Hiiraan.

Jeyte ayaa sheegay in xiliga ka maamul ahaan ay waxqabad uga baahan yihiin dowladda iyo hay’adaha si fatahaadaha soo noq-noqday looga hortago.

Waxa uu carabka ku adkeeyay  in aan loo baahneyn waxyaabaha yar-yar oo ay Hay’adaha keenaan gobolka Hiiraan, balse loo baahan yahay waxqabad muuqda oo ku aadan fatahaadaha.

Guddoomiye Jeyte ayaa si adag uga digay Hay’adaha ceebta uga imaan karta maamulka iyo dregaannada gobolka Hiiiraan oo uu sheegay in dadka ay waqtiga uga luminayaan waxyabao aan waxba u soo kordhineyn, iyada oo ay jiraan fatahaado.

Hadalka Jeyte Cismaan ayaa imanaya xili ay magaalada Beledweyne ka socdan dadaalo looga hortagayo fatahaada webiga ee sanadkan, islamarkaana looga hortagi lahaa, si uusan saameyn balaaran ugu reeben dadka iyo deegaankaba.