Xaalad adag oo ka taagan magaalada Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta xaalad adag ay ka taagan tahay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi, kadib markii uu fatahaad horleh ka geystay webiga Shabelle ee mara magaaladaasi.

Wabiga ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu saacadihii lasoo dhaafay fatahaad ka sameeyey dhinaca xaafadda Xaawo-Taako oo ka tirsan magaalada Beledweyne, kadib markii biyo raacay Keliga Dhagax-Jebis ay karkaarada jabsadeen.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dadka deegaanka ay billaabeen barakac, si aysan go’doon ugu gelin xaafadaha uu ku fatahay webiga Shabelle ee Beledweyne.

Dhowaan maamulka gobolka Hiiraan ayaa digniin culus kasoo saaray fatahaadda wabiga, wuxuuna sheegay inuu buux dhaafsamay, loona baahan yahay feejignaan dheeri ah.

Waxaa sidoo kale jira dadaallo xoogan uu wado guddiga fatahaadaha magaaladaasi, kaas oo caro tuur ka sameeyey qeybo badan oo ka mid ah xaafadaha Beledweyne, balse waxaa weli jirta cabsida iyo wal-walka laga qabo in fatahaaddu ay markale saameyso shacabka.

Horey Jowhar ayaa u wajaheysay xaalad adag oo ka dhalatay fatahaadda wabiga Shabelle, waxaana kala xirmay dhaq-dhaqaaqa magaalada, iyadoo doon lagu tegayo xaafadaha qaar.

HirShabelle ayaa sidoo kale dhowaan guddi u saartay ka hortegga fatahaadaha, si wax looga qabto, waxaana sidoo kale ay baaq gurmad ah u dirtay hay’adaha samafalka.

Beledweyne iyo Jowhar waxaa inta badan kusoo laa laabta fatahaadaha oo sanad kasta saameeya qoysas badan oo ku dhaqan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.