Laba qodob oo la isku hayo oo dib u dhigay in lasoo geba-gebeeyo shirka doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta dib u dhacay qorshihii ahaa in la soo gaba-gabeeyo shirka madaxda Soomaalida uga socda magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlayay arrimaha doorashada Soomaaliya. 

Sida uu shalay shaaciyay wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale, shirka ayaa la qorsheeyay in maanta la soo gaba-gabeeyo islamarkaana laga soo saaro war-murtiyeed kadibna loo dhaqaaqo doorashada Soomaaliya. 

Hase yeeshee Ilo wareedyo muhiim ah oo shirka ka qeybgalay ayaa Caasimada Online u sheegay in la isku mari la’yahay arrinta doorashada gobalada Waqooyi iyo arrinta gobalka Gedo. 

Wararku waxay sheegayaan in labadaan arrin ay aad u adagtahay arrinta gobalada Waqooyi oo dhinacyadu kala joogaan goobo adag. Xalay iyo shalay waxaa qabsoomay shirar u gaar siyaasiinta gobalada Waqooyi, kuwaasoo laga codsaday in dhaxdooda heshiiyaan, waxaana muuqato in dhinacyadu is fahmi waayeen. 

Xildhibaanada waqooyi ayaa u kala jabsan laba garab oo ay kala hoggaaminayaan Mahdi Guuleed oo ku xiran Villa Somalia, iyo Cabdi Xaashi oo ka tirsan mucaaradka, waxayna isku hayaan sida loo kala qeybsanayo xubnaha guddiga doorashada ee hagaya soo xulista xildhibaanada waqooyi.

Shir u dhaxeeya Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland ayaa caawa ka dhacay Airport Hotel oo ku dhex yaalla Xalane, kaas looga wadahadlayey sidii xal looga gaari lahaa muranka ka taagan hanaanka loo soo magacaabayo xubnaha guddiyada doorashada ka soo gelaya gobollada waqooyi ee Somaliland.

Sidoo kale arrinta gobalka Gedo ayaa maanta qaadatay saacado badan oo dood ah waxaana soo baxaya in aan ilaa hadda lagu heshiinin qodobkaas. Labada qodob ee doorashada Waqooyiga iyo mida Gedo ayaa kuwa adag ee dib u dhigay in shirka maanta la soo gaba gabeeyo. 

Waxaa socda dedaal badan oo ay wadaan madaxda qaar kuwaasi oo shirka ka ilaalinaya in uu fashilmo. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wada kulamo gaar ah iyo isu keenida dhinacyada si xal looga gaaro arrimaha doorashada.