Xog: Lafta-Gareen oo ku fashilmay dalab uu hordhigay Axmed Madoobe iyo Deni

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa xiriir dhanka telefoonka ah la sameeyay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, oo si weyn uga soo horjeeda hanaanka doorashada.

Lafta-gareen oo shalay ku laabtay Baydhabo ayaa bilaabay dhex-dhexaadinta dhinacyada isku khilaafsan doorashada, midaasi oo uu hore ugu fashilmay madaxweynaha Galmudug, Qoor-Qoor.
Sida ay ilo xogagaal ah u xaqiijiyeen Caasimada Online, Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ka dalbaday  inay soo magacaabaan guddiyada doorashada Hheer dowlad goboleed, kadibna laga wada-hadlo xal u helista khilaafka doorashada.

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa durba diiday dalab uu Lafta Gareen usoo gudbiyey oo ahaa inay marka hore soo magacaabaan guddiyada doorashada kadibna la galo xalka khilaafka kala dhaxeeyo dowladda Dhexe.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa si cad ugu sheegay Lafta Gareen in aysan soo magacabeyn guddiyada doorashada illaa xal laga gaaro muranka Doorashada sidoo kalana ay Dowladda Soomaaliya ciidamada kasoo celiso Gobolka Gedo.

Waxaa xusid mudan in dalabka uu Lafta-gareen u gudbiyay labada madaxweyne uu hore madaxweyne Deni uga diiday ra’iisal wasaare Rooble, xili uu socdaal ku tagay magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland.

Waanwaanta Lafta-gareen oo timid markii uu meesha ka baxay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa u muuqata mid aan natiijo kasoo bixi doonin, iyadoo ku bilaabatay qodobo hore loogu fashilmay.

Muranka la xiriira arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ayaa weli taagan, waxaana dhowr jeer fashilmay isku dayo la doonayay in lagu xaliyo,waxaana xubnaha Midowga Musharixiinta iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ay si cad uga soo horjeesteen guddiga doorashooyinka dadbadan oo ay sheegeen  inay kujiraan Xubno ka tirsan NISA & Shaqaalaha dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya oo mudada xil heyntiisa ay uga dhiman tahay wax ka yar bil ayaa weli ka dhaga adeegaya baaqyada uga imaanayo midowga Musharixiinta oo ah inay dalka ka dhacdo doorasho loo dhan yahay.