Xog ku saabsan qarax ka dhacay suuqa Bakaaraha

Muqdisho (Caasimadda Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxayo qarax maanta ka dhacay Suuqaha ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay xarun Ganacsi oo lagu magacaabo Waaya Arag Electronics oo ku taalla jidka Shirkadaha ee Suuqa Bakaaraha.

Qaraxa ayaa waxaa kasoo baxayo warar kala duwan oo ku saabsan waxa uu ka dhashay, wararka qaar ayaa sheegaya inuu qaraxa ka dhashay haan Gaas oo taalay iridda hore ee Xarunta, halka warar kalana ay sheegayaan inuu ahaa qarax lasoo dhigay iridda hore ee Waaya Arag Electronics.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen goob joogayaal, qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay laba ka tirsan Shaqaalaha Shirkadda Waaya Arag Electronics, sidoo kalana waxaa jiro khasaaro maaliyadeed.

Ciidamada Ammaanka ee Dowladda Soomaaliya ayaa gaaray halka uu Qaraxa ka dhacay, waxayna sameeyeen baaritaan ku aadan waxa uu ahaa qaraxaan inkastoo laamaha ammaanka aysan weli warbixin soo saarin.