Xog: Lafta-gareen oo wiiqay awoodda wasiir aad ugu dhowaa Xasan Cali Kheyre

Baydhaba (Caasimada Online) – Waxaa muddo ka badan laba bilood aad loo wiiqay awoodihii uu Xukuumada Koonfur Galbeed ku dhax-lahaa wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Koonfur Galbeed Cali Dhuux Maxamed, kaas oo la sheegay in kadib markii cadaadis la saaray uu dalka ka baxay.

Wasiir Cali Dhuux, waxay qaraabo dhow ahaayeen Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxa uu sidoo kale ahaa saaxiib dhow oo xiriir la-leh Xafiiskii Kheyre, hase yeeshee waxaa cadaadis shaqo la saaray markii uu kalsoonida waayay Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in wasiirka uu dalka ka maqan yahay, waxaana shaqadiisa sii wada ku-xigeenkiisa iyo agaasimaha guud iyadoo aaney jirin wax wadatashi ah oo shaqada lagala yeesho.

Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in wasiirka markii uu dareemay cadaadiska saaran uu qaatay fasax dheer maadaama shaqadiisa toos ula wareegay wasiir ku xigeenka. Dhinaca kale xubno ka tirsan Xukuumada Koonfur Galbeed ayaa sheegay in wasiir Cali Dhuux uu go’doon Covid-19 ah ku noqday London.

Cali Dhuux Maxamed, waxa uu ka tirsanaa wasiirada ka soo jeeda beelaha Hawiye eek u jira maamulka Koonfur Galbeed. Waxa uu sidoo kale qeyb ka ahaa shaqsiyaadka ugu saameynta badan xukuumadda Lafta-gareen markii uu xafiiska joogay Kheyre, hase yeeshee waxa uu hadda qeyb ka noqoyay dadka cadaadiska badan wajahaya kadib kalsooni kala noqoshadii Xasan Cali Kheyre.