Xog laga bixiyey nooca ra’iisul wasaare ee uu raadinayo madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ku dhow madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xog ka bixiyey nooca ra’iisul wasaare ee madaxweynaha uu raadinayo, xilli beelo badan ay xusul duub ugu jiraan xilkan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in qabiilku aanu wax qeyb ah ku lahayn astaamaha uu ku soo xulayo ra’iisul wasaaraha cusub, sidaa darteedna orodka ay ku jiraan beelaha qaar aanu wax macno ah sameyn doonin.

“Madaxweynuhu wuxuu raadinayaa shaqsi marka ugu horreysa ay Somaalinimada ku weyn tahay, oo ka fog qabyaaladda, islamarkaana lagu aamino karo xilka loo dhiibayo” waxaa sidaas yiri qof ka mid ah dadka ku dhow madaxweynaha oo goor dhow Caasimada Online la hadlay balse codsaday inaan la magacaabin.

“Dabcan waxa uu noqon doonaa qof ka dhashay un beelaha Hawiye, madaxweynuhu xitaa taas ma eegi lahayn, balse nidaamkan Soomaalida ay degsatay ee hadda uu rabo in laga gudbo ayaa qasbaya”.

“Balse marka ay noqoto wixii dhaafsan Hawiye, marnaba madaxweynaha ma eegayo qabiilada hoose, oo macno uma sameeneyso” ayuu sii raaciyey qofka la hadlay.

“Waxa uu doonayaa qof daacad ah, naxariis badan oo u naxa dadka kuwa ugu nugul, islamarkaana gudan kara xilka loo dhiibay, oo madaxweynaha ay is fahmi karaan”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale laga soo xigtay inuu rajeynayo ra’iisul wasaare shaqeeya afar sano oo ay isfahmi karaan, isaga oo ku rajo weyn inaanay is-qaban, haddii ay is qabtaanna ay danta qaranka un isku qabtaan.

Warka kasoo baxay dadka ku dhow madaxweynaha ayaa meel cidla ah dhigaya qaar ka mid ah beelaha Hawiye ee isku garbinaya xilkan, waana astaan kale oo muujineysa sida Farmaajo uga duwan yahay madaxdii ka horreysay ugan fog yahay qabyaaladda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com