XOG: Maamulka MADOOBE Nuunow oo ay soo wajahday arrin aysan fileynin

Baydhabo (Caasimada Online) – Afhayeenka maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed, Siyaad Sheekh Daahir ayaa sheegay in maamulkii Madoobe Nuunow uu burburay isla markaana uu ku biiray maamulka seddaxda gobal sida uu yiri.

Wuxuu tilmaamay in maamulkaas uu hadda ku soo haray seddax qof intii kalena ay ku biireen maamulka seddada gobal.
Mar la weydiiyay sida uu ku caddeen karo arrintaas, wuxuu tilmaamay in ay hayaan caddeemo arrintaas muujinaya isagoona intaas ku daray in 95% maamulkii lixda gobal uu burburay.

Dadka uu xusay in ay ka soo goosteen maamulkaas waxaa ka mid ah buu yiri, madaxweyne ku xigeenkii iyo badi wasiiradii maamulka lixda gobal kuwaasoo hadda ku buuray maamulka seddaxda gobal.

Mar uu ka hadlaayay shirka ka furmaya Baydhabo, wuxuu tilmaamay in shirkaas uu billow u yahay dhismaha maamulka seddaxda gobal ee la rabo in loo dhiso laga billaabo Siinka dheer ee gobalka Shabeellaha Hoose iyo duleedka gobalka Bakool.

Ugu dambeen waxa uu ka dhawaajiyay in wax lix gobal la dhaho aanu ka jirin magaalada Baydhabo cidda sheeganaysana ay yihiin kuwa aan xaaladda la socon.

Ma cadda in shirka berri ka furmaya Baydhabo uu meesha ka saari doono maamulka lixda gobal oo mas’uuliyiintooda ay weli ku adkeesanayaan in uu maamulkooda shaqeeyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u taageertay maamulka seddaxda gobal iyagoona qaadacay maamulka lixda gobal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

Caasimada@live.com