DFS oo xireysa idaacadaha MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Idaacadda Shabeelle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda fedaraalka ay wado qorshe ay ku aamusiineyso Idaacadaha maxalliga.

Agaasimaha Idaacadda Shabeelle, Maxamed Muuse ayaa BBC-da u sheegay in Idaacadoodii iyo talafishankii Shabeelle ay xirtay dowladda isla markaana wixii qalabka ah ee yaallay ay gurteen.

Wuxuu sheegay oo kale in amarka lagu xiray Idaacadaha Shabeelle iyo SKY in ay billow u tahay caburin la rabo in lagu sameeyo Idaacadaha maxalliga ah ee Muqdisho ka howlgala.

Agaasimaha Shabeelle ayaa xusay in shaqaalihii Idaaacadda la xiray halka kuwa kalena ay la soo daristay shaqo la’aan.

Wuxuu tilmaamay haddii ay jirto wax dacwo ah oo laga qabo Idaacadda ama shaqaalaha in looga baahnaa sharciga in la horkeeno balse ay dowladda ay ugu talagashay in ay aamusiiso Idaacadda Shabeelle.

Waxaa la weydiiyay in Shabeelle ay noqotay iyadoo aan socod baran oo xirfad badan aan lahayn shaqaalahooda isla markaana sheega waxa ay rabaan?

Wuxuu ka dhawaajiyay in arrintaas ay jirto balse dowladda looga baahnaa in ay la timaado qaabka ka badalan waxa ay hadda sameesay.

Ugu dambeen waxa uu sheegay in dowladda ay wado qorshe ay ku xireyso dhammaan Idaacadaha gaarka loo lee yahay ee Soomaaliya ku yaalla.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com