Xog: Madaxa rugta ganacsiga & wasiiru dowlaha maaliyadda oo lacag qasab ah Xasan u ururinaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar goordhaw aan ka helnay Ganacsato Soomaaliyeed oo jooga Muqdisho ayaa noo xaqiijiyay in Madaxa Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Maxamed Cabdikarin Gabeyre iyo Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa bilaabeen lacag uruurin aay isugu yeereen ganacsatada magaalada Muqdisho.

Lacag uruurintaas oo la rabo in lagu badbaadiyo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo uu ka yaallo mooshin xil ka qaadis ah, oo ay wadaan xildhibaanno ka tirsan baarlamanka.

Ganacasato ay la xiriirtay Caasimada Online ayaa inoo xaqiijiyay in lagu bilaabay handadaad haddii aysan bixin lacagaha lagu soo qoray in aay eedi doonaan, iyagoo markaas ku eedeynaya Madaxa rugta Ganacsiga iyo Wasiiru Dowlaha in ay ugu hanjabayaan magac dowladeed.

Mid ka mid ha ganacasatada Muqdisho ayaa noo sheegay in Cabdullaahi Maxamed Nuur uu tusiyay waraaq aay ku qoran tahay inta lacag oo aay soo aruuriyaan taasoo uu ku sheegay in aay ahayd $350,000 oo dollar.

Waxaa caado noqotay in sharciga la iibsado markasta oo aay timaado isla xisaabtan siyaasadeed, balse wararka aay heleyso Caasimadda Online ayaa ah in aanu sinnaba Madaxweynaha JFS uusan ka baxsan doonin Mooshinkan.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com