Xog: R/W CC oo ku hungoobay isku daygiisii ugu horreeyay ee mooshinka ka dhanka ah Xasan.!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar naga soo gaaraya Xafiiska Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa sheegaya in saacadihii ugu danbeeyay uu Xafiiskiisa ku qaabilay in ka badan 40 Xildhibaano ka tirsan Mooshin wadayaasha.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa la soo warinayaa in la kulankiisa Xildhibaanadaasi uu ahaa mid uu kala hadlaayay arrimaha la xiriira Mooshinka iyo sida ugu sahlan ee xal looga gaari karo.

Ra’isul wasaaraha ayaa Xildhibaanada ka codsaday inay qafiifiyaan Mooshinkooda, islamarkaana ay usoo diyaar garooban wada hadal xal looga gaarayo Mooshinka.

Xildhibaanada oo inta kulanka uu socday siyaabo kala duwan madasha uga hadlay ayaa u deeriyay Ra’isul wasaaraha waxa ayna ku wargaliyeen in Mooshinkaasi uu yahay mid muqadas oo lamataabtaan ah.

Waxa ay u sheegen inay garwaaqsan yihiin in dalka uu galaayo xaalad adag, balse ay ka muhiimsan tahay in meel lagu hubsado arrinta taagan.

Ra’isul wasaare Cumar oo aan kalsooni wanaagsan ku qabin Xildhibaanada ayaa ku guul dareystay isku daygiisii ugu horeeyay ee xalka loogu raadinaayo Madaxweyne Xassan Sheekh.

Mid kamid ah Xildhibaanada kulankaasi ka qeybgalay oo magaciisa ka gaabsaday ayaa si hoose noogu xaqiijiyay inay ku gacanseeren dalabka Ra’isul wasaare Cumar, waxa uuna carab dhaway in go’aankooda uu yahay mid aan kalaabasho laheyn.

Wuxuu xaqiijiyay in cidna aysan ugu ganban doonin arrinta Mooshinka islamarkaana ay ka go’an tahay inay ridaan Madaxweyne Xassan Sheekh.

Geesta kale, kulamo ceynkaani ah ayaa waxa uu siyaabo kala duwan uga socdaa Xafiisyada Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxa uuna ujeedkiisu yahay mid lagu qaboojinaayo Mooshinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com