Xog: Cabdi Weli Gaas iyo Axmed Madoobe oo ku biiray mooshinka Xasan Sheekh laga gudbiyay!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Cabdi Weli Gaas uu ku biiray ololaha Mooshinka dhawaan laga geeyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Gaas uu wada hadal dhanka Telefoonka ah la sameeyay Xildhibaanada kasoo jeeda deegaanada Puntland ee ka tirsan BF Somalia.

Gaas ayaa Xildhibaanadaasi ku booriyay inay ku biiraan Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha, isaga oo la sheegay in Xildhibaanadaasi uu u carabaabay mid kamid ah Nabadoonada kasoo jeeda Puntland ee ku sugan Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay uga danbeynayaan talada la xiriirta arrimaha Mooshinka.

Gaas ayaa Mooshinkaasi uga faa’iideysanaaya baahiyihiisa gaarka ah bacdamaa uu Khilaaf xoogan kala dhexeeyo Madaxweyne Xassan.

Warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in C/weli Gaas uu ballanqaadyo u sameeyay Xildhibaano kale oo aan kasoo jeedin Puntland kuwaasi oo uu u adeegsanaayo dhicitaanka Dowlada Madaxweyne Xassan Sheekh.

Waxaa sidoo kale Mooshinka dhinaciisa ka riixaaya Hogaamiyaha is doortay ee Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, isaga oo dhanka Xildhibaanada ugu jira BF ku tashkiilinaayo inay is dhaafiyaan Madaxweyne Xassan, wallow aan weli la kala cadeyn inuu xiriir la soo sameeyay Xildhibaanada ugu jira BF iyo in kale.

Mooshinka socda ayaa waxa uu u muuqanayaa mid kulansiiyay Mucaaradka Madaxweyne Xassan min Maamul Goboleed ilaa Xildhibaan, waxaana suuragal ah in Mooshinkaasi uu la dego Xassan Sheekh.

Saadaalinta ugu badan ayaa ah in Xassan Sheekh uusan ka gudbi doonin Mooshinkaasi, sababo la xiriira hankiisa Siyaasadeed oo ballaartay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com