“Xasan Shiikh haddii uu caloosheena baari lahaa kama uusan xanuunsadeen mooshinka cusub”!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdi Warsame oo kamid ah Odayaasha ugu caansan Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Odayaasha ay shaki ka muujinayaan kaalinta Madaxweynaha uu ku leeyahay dhismaha dalka.

Waxa uu sheegay inay qabaan dhaliilo farabadan oo ay u jeedinayaan Madaxweyne Xassan kaasi oo la xiriira dayacaada kaalimaha ay ku lahaayen Siyaasada dalka waxa uuna sheegay in Xassan Sheekh uu burburiyay xiriirkii kala dhexeeyay.

Wuxuu tilmaamay inay taageersan yihiin Mooshinka ka dhanka ah ee Madaxweyne Xassan Sheekh waxa uuna cadeeyay inay ka dhowr sugayaan dhicida Dowlada Xassan.

‘’Xassan Sheekh wuu na dayacay waxa uu iska indhatiray kaalinteena ma jirto waji aan ku taageerno Dowladiisa’’

‘’Codsi badan ayaan u gudbinay si uu usoo celsho xiriirka balse ma uusan ka jawaabin taasi waxa ay muujineysaa kalsooni darro uu Xassan u muujinaayo Odayaasha’’

Xildhibaanada BF ayuu ugu baaqay inay ka mirro dhaliyaan Mooshinka, waxa uuna sheegay inay garab ku siinayaan, bacdamaa uu Xassan Sheekh liiday Odayaasha dhaqanka.

Haddalka Cabdi Warsame, ayaa imaanaya xili Madaxweyne Xassan uu ka talaabay Siyaasadii uu ku kala maareyn lahaa Siyaasada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com