Xasan Sheikh oo qaabilay xldhibaano Kenyan ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Jamal Xasan ayaa xarunta madaxtooyada kula kulmay wafdi ka socday Guddiga Difaaca iyo Arrimaha Dibedda ee Baarlamanka Kenya, oo booqasho ku jooga dalka.

Ugu horeyn Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey wafdiga Kenya, booqashada ay ku yimaadeen dalka, oo uu sheegay inay muhiim u tahay xoojinta iskaashiga labada dal.

“Soomaaliya iyo Kenya waa deris uu xiriir wanaagsan ka dhexeeyo. Taariikhda cusub ee Soomaaliya ee qormeysa, Kenya qeyb ayay ka tahay.  Waxaa aad uga mahad celineynaa  in Kenya ay ka mid noqotey waddamada wiilashooda iyo gabdhahooda u soo direy Soomaaliya si ay nabad uga dhaliyaan. Waxaana filayaa in iskaashiga labadeena dal uu intan ka sii xoogeysto’’.

5

Socdaalkan oo gundhig u ah heshiis aay dhawaan magaalada Nairobi aay ku kala saxiixdeen labada dal, kaasoo lagu aas aasay (Joint Co-operations Commission JCC). Guddigan laba geesoodka ah ayaa loo sameeyay in aay ka shaqeeyaan isu soo dhawaanshaha iyo is dhex galka labada dal iyo sidii la iskaga kaashan lahaa dhinaca dhaqaalaha, siyaasadda, dowlad wadaaga iyo nabadgalyada.

Waxaa uu Madaxweynaha wafdiga ka codsadey inay salaan diiran ka gaarsiiyaan Madaxweyne Uhuru Kenyatta, Madaxweyne ku Xigeenka, William Ruto iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Kenya.

Kulankaasi waxaa sidoo kale ka hadley Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke oo diiradda saarey muhimada xoojinta xiriirka labada dal, iyo dhinacyada ay labada dal iska kaashan karaan.

Wafdiga ka socda Guddiga Difaaca iyo Arrimaha Dibedda ee Kenya ayaa waxaa ka mid ah Mudane Ilyaas Barre Shiil, Xildhibaan Richard Onyonka, Xildhibaan Wafula Wamunyinyi iyo mas’uuliyiin kale.

Xubnaha Wafdiga Kenya ayaa sheegay inay ka shaqeyn doonaan xoojinta iyo iskaashiga labada dal ka dhexeeya.

Wafdigan oo lagu wado in aay waddanka sii joogi doonan ilaa berrito si aay gogol xaar ugu noqdaan heshiiska iskaashi ee labada dal aay kuwada saxiixdeen magaalada Nairobi Bishan Ogosto horraadkeedii.

4321

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimadda@live.com