Wada-hadal u socda Ahlu-Sunna iyo Galmudug

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG Maamulka Galmudug, ayaa sheegaya in iminka halkaasi uu kullan 2 geesood ah uga socdo Hogaanka sare ee Maamulka Galmudug iyo Xubno ka tirsan Maamulka Ahlusunna.

Kullanka oo goordhow furmay ayaa waxa uu ka socdaa Madaxtooyada Maamulka, waxaana la soo warinayaa inuu ku qotomo sida Ahlusunna looga qeybgalin lahaa Xukuumada Galmudug.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Xubnaha Maamulka Ahlusunna uga qeybgalaayo kullanka ay ku adkeysanayaan go’aanadii ay horay u gaareen, halka garabka Galmudug ay xooga saarayaan sida lagu qancin lahaa Ahlusunna.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xusein Gulleed ayaa ballanqaadyo u sameynaayo Xubnahaasi walow ay ka biyo diidan yihiin iyagoona Shuruudo dhowr ah hordhigay Maamulka.

Si rasmi ah looma oga natiijada kullankaasi kasoo bixi doona waxa uuna kullanka imaanayaa iyadoo Madaxweynaha Maamulka uu muddo 14 maalin kaliya uga harsan tahay wakhtiga mar kale loo qabtay inuu kusoo dhiso Xukuumad tayo leh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com