Villa Somalia oo ka hadashay arin la hadal hayey

Muqdisho (Caasimada Online) – War lagu qoray barta Twitter-ka Villa Somalia, ayaa lagu bayaaniyay qorshayaasha DF Somalia ay ka damacsan tahay wax kabedelka lacagta Shilin Somalia.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Hay’adda Lacagta Aduunka ay Gacan ka siinayso Dowladda Federaalka dib usoo celinta & Daabacaadda Lacagta Shilinka iyo Horumarinta Adeegyada Bangiga Dhexe oo iminka hoos u dhacsan.

Nuqul kamid ah qoraalka ayaa waxa uu ahaa mid u qoran ”Hay’adda IMF waxay diyaar u tahay in Somalia ay si dareen uu ku jiro uga caawiso dib u habaynta Lacagta Shilinka, Howsha Bangiga Dhexe iyo Hanaanka Maaliyadeed ee Somalia”.

Wasaaradda Maaliyadda Somalia ayaa dhanka kale ka codsatay Hay’adda IMF inay ka cafiso dalka Lacago Deyn ah oo ay ku leedahay, taasi oo aan haddii laga cafin Somalia dib uga soo kaban-karin Dhibaatada Dhaqaale ee haysata.

Wasaaradu waxa ay tilmaantay in Somalia ay iminka cagta saareyso wadada horumarka, balse caqabada ugu weyn ay tahay deenta ay ku leedahay Hay’adda IMF oo aan dhowr sano lagu magi karin.

Dalabka Villa Somalia iyo Wasaarada Maaliyada ayaa imaanaya xili dhawaan International Monetary Fund IMF ay sheegtay Bishii lasoo dhaafay inaysan Somalia siin doonaan Lacago Deyn ah inta ay ka bixinayso Deyntii hore oo gaaraysa ($328 million), Saddex Boqol iyo Labaatan iyo Sideed Milyan oo Dollar.

Dhanka kale, Villa Somalia ayaa aad uga walaacsan Lacagta shilin Soomaaliga ee sii lumeysa taasi oo ah mida ugu badan uguna yar, mana jirto Lacag kale oo Dadka dalka jooga ay adeegsadaan markii laga reebo lacagta loo yaqaan Evc-ga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com