Fargeeti oo qiray arrintii la hadal hayey ee DFS…

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Aadan Fargeeti oo ah Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Somalia ayaa mar kale ka hadlay wararka sheegaya in DF Somalia gaar ahaan Wasaarada Maaliyada ay mushaar dhimis ku sameyneyso Shaqaalaha DF Somalia.

Wasiirka ayaa arrintaasi ku micneeyay mid DF loogu abuurayo dhaqaale, kadib markii uu sheegay in DF aysan heysan dhaqaale ku filan lacagihii ay ka heli jireen Beesha Caalamkana ay cariiri gashay.

Mr Fargeeti ayaa sheegay in qorshaan ay ku sameeyeen dib u eegis Dakhliga dowladda, natiijada usoo baxdayna ay noqotay in la dhimo mushaaraadka Shaqaalaha.

Fargeeti ayaa carabka ku adkeeyay in si siman ay uga dhimeen Mushaaraadka qeybaha kala duwan ee shaqaalaha dowladda sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu meesha ka saaray wararka la xiriira in DF ay dhaqaalahaasi ku bixineyso qaabab kale, waxa uuna sheegay in dhaqaalaha uu yahay mid mar waliba keyd u ahaan doono dalka.

Shaqsiyaadka tashwiishka abuurayo ayuu uga digay inay joojiyaan warxumo tashiilka waxa uuna wacad ku maray in Wasaaradiisu ay cadeymo ula imaan doonto cidii shaki ka muujiso mushaar dhimista lagu sameynaayo shaqaalaha.

Dhanka kale, Shaqaalaha DF ayaa aaminsan in lacagaha laga dhimay ay ku dhacayaan jeebka shaqsiyaad gaar ah islamarkaana qorshaha uu yahay mid iyaga lagu cuuryaaminaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com