XOG: Guuleed oo laga aqbaly codsi uu jeediyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee Xarunta Kumeel-gaarka Maamulka Galmudug, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulkaasi uu kulan aan caadi aheyn la qaatay Xildhibaanada Maamulkiisa.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa mid uu Guuleed Baarlamaanka uga dalbanaayay in wakhti dheeraad ah loogu darro dhismaha Xukuumada Maamulkiisa, waxa uuna wakhtigii loo qabtay ugu ekeyd 18/08/2015.

Muran iyo wada tashi dheer kadib ayaa waxa ay Xildhibaanadu go’aansadeen in Mr Guuleed ay muddo 15 Cisho ugu daraan Wakhtiga uu kusoo yagleeli lahaa Xukuumadiisa, waxa ayna Xildhibaanadu uga digeen inuu la imaado codsi kale.

Xildhibaanada ayaa Guuleed ku eedeeyay suuragalnimo la’aanta dhismaha Xukuumadiisa, waxa ayna sidoo kale ku wargaliyeen in Xukuumadiisa ay ka dhexmuuqdan Xubno caan ka ah Ahlusunna si ay u muuqato in meesha laga saaray Tashwiishkii ka dhexeeyay Galmudug iyo Ahlusunna.

Guuleed ayaa ka cabsi qabay in guul darro uu kala kulmo Xildhibaanada Baarlamaanka, hayeeshee ay markii danbe siiyeen 15 maalin oo aan dheeri lahaan doonin.

Geesta kale, Madaxweyne Guuleed ayaa soo buuxiyay Liiska Xukuumadiisa, markii laga reeb Lambaro yar oo uu u baneeyay Xubnaha Ahlusunna uga mid noqon doono Xukuumada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com