Xog: Xasan Sheekh oo la kulmay xildhibaanada Mudulood (Maxaa kasoo baxay?)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu casho sharaf u sameeyay dhammaan Xildhibaanada Beesha Mudulood.

Cashadii kaddib ayaa waxaa halkaa ka dhacay muran iyo dood dheer, taasoo diiradda lagu saaray xaaladda waddanka uu marayo iyo siyaasadda murugsan ee soo wajahday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud.

Madaxweynaha oo raadinayay inuu helo taageerada Xildhibaanada Mudulood ayaa si qoto dheer uga hadlay marxaladaha kala duwan ee la soo maray seddexdii sano ee la soo dhaafay, waxa uuna aad ugu dheeraaday waxyaabihii ka qaldamay.

Madaxweynaha ayaa aad ugu dheeraaday inuu ka hadlo in Guddoomiyaha Maxkamadda sare in uu yahay shaqsi aanan sharci ku joogin meesha. Isagoo u sababeeyay wax qabad la’aan iyo musuqmaasuq. Hal mar ayey xildhibaanada is fiiriyeen,  Balse Xildhibaan Shiiraar ayaa madaxweynaha kula taliyay in aanu sidaa u dhigin hadalka waayo buu yiri, haddii uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare yahay sharci darro adigana waxaad noqoneysaa sharci darro.

Waxaa guntii hadalkiisu ahaa in mar kale fursad la siiyo lana taageero si uu isaga difaaco Mooshinka ka yaal Baarlamanka.

Xildhibaanada oo aad mooday in ay ku soo ballameen in aay dhageystaan hadalka madaxweynaha ayaanan u muujin madaxweynaha wax ballan qaad ah. Balse waxaa aay si wada jir ah ugu sheegeen Madaxweynaha in aay ku habboon tahay in uu dalka iyo dadka u turo xilkana iska wareejiyo inta aanan xilkana laga xayuubin, maxkamadna la soo taagin.

Madaxweynaha oo ugu danbeyntii sameeyay balanqaadyo aad u badan ayaad moodaa in Xildhibaanada aayna waxba ka soo qaadin, maadaama uu horay u sameeyay balanqaadyo kale oo badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimadda@live.com