Xog: Madaxda dowladda iyo madax goboleedyada oo isugu tegaya GAROOWE

Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa marti-gelineyso shir guud oo u dhexeeyo dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo dhowaan ka dhacaya gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah.

Arrintaan ayaa lagu go’aamiyey waa-hadalladii ay magaalada Garoowe ku yeesheen madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, inkastoo aan la shaacin goorta la qabanayo shirkaasi xasaasiga ah.

Wararka ayaa sheegaya in shirka u furmayo madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada diiradda lagu saari doono xaaladda guud ahaa dalka, gaar ahaan howlaha horyaalla dowladda cusub iyo sida ay u wada shaqeyn karaan labada dhinac.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa shirkan lagu soo qaadi doonaa mad-madowga soo kala dhex-galay dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada, waxaana arrimaha kale ee la gorfeyn doono ka mid ah muddo kororsiga halka sanno ah ee ay sameysteen madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay madaxdu ka wada-hadli doonaan sidii loo xoojin lahaa howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shasbaab iyo gurmadka abaaraha haatan ka jira dalka.

Shirkan ayaa ku soo aadaya xilli xasaasi ah, isla-markaana uu jiro mad-madow haatan soo kala dhex-galay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbedel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii May ee uu ku guuleystay Xasan Sheekh oo kadib soo magacaabay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi.