‘Markii uu Madaxweyne Farmaajo baxay ayuu suuqa Soomaaliya naga xirmay’

Adis Ababa (Caasimada Online) – Beeralayda iyo ganacsatada qaadka ee ku nool magaalada Harar ee gobolka Oromia ee dalka Itoobiya, waxay ka cabanayaan in lagu qasbayo in ay ka baxaan suuqa dhoofinta jaadka, xilli ay dowladdu soo gashay suuqa wax dhoofinta, iyadoo adeegsanaysa hay’adaheeda. 

Ganacsatadaas oo la hadashay wargeyska Addis Standard ayaa sheegay in iskaashatadii ganacsi ee ku bahoobay urur la yiraahdo Biftu Baha Oromia laba sannadood kahor si xeeladaysan suuqa looga saarayo, madaama lagu suntay inay yihiin dad sharci-darro ku jooga suuqa. Dowladda ayaana suuqa la timid shaqsiyaad iyada ka socda. 

Ganacsatadaas oo isku dayaysay inay qaadka u dhoofiso Soomaaliya, kaddib markii duullimaadyada dib loo bilaabay, lana qaaday xayiraaddii Covid-19, waxaa caqabad kale oo xanibaad ah ku noqotay ganacsato la baxday Surah, kuwaas oo dhanka Somaliland qaadka u dhoofin jiray sanado badan. 

“Markii hore beeraleydu ma lahayn wax doorasho ah, waxayna wax soo saarkooda qiimo hooseeya kaga iibin jireen ganacsato awood badan, kuwaas oo dalka dibaddiisa u dhoofiya, kuna iibsada qiimo aad u sarreeya. Waxaan suuqa usoo galnay inaan wax u ceyminno – oo aan caawinno, si wax soo saarkooda ay macaash fiican uga helaan,” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada. 

“Waxaan aadnay Soomaaliya – innaga oo la hadalnay madaxweyne Farmaajo. Wuxuuna naga aqbalay inaan qaadka Itoobiya u dhoofino Soomaaliya. Waxaan ka helnay macmiil fara badan oo nala shaqeysata. Laakiin markii uu Farmaajo baxay waa naga xirmay suuqa Soomaaliya, fasax kama helin dowladda hadda jirta [Dowladda Xasan Sheekh], kaddib markii koowaad oo ay macmiisheennu noo soo direen lacag dhan $400,000, si aan qaad ugu soo beddelno. Qolyaha Surah la baxay waxay bilaabeen inay na hor istaagaan,” ayuu ganacsadahaas hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale wuxuu sheegay in markii ay caqabadaasi qabsatay ay lasoo xiriireen dowladda Soomaaliya oo cabasho ay u soo gudbisteen. “Laakiin waxay noo sheegeen in kaliya ganacsatada Somaliland oo la yiraahdo Surah ay qaadka keeni karaan Soomaaliya oo ay qasab tahay inay la shaqeeyaan. Waxaa qasab nagu noqotay inaan soo saarno qaadka, madaama ay iyagu yihiin kuwo qura oo maamulaya dhoofintiisa,” ayuu yiri ganacsadahaas Oromada ah.

Wuxuu intaas kusii daray in ganacsatadii suuqa kala baxday ee Surah ay meesha soo geliyeen ‘Biftu Adugna’ oo ah shirkad dowladeed oo hoos tagta Ururka Horumarinta Oromia. 

Ganacsatadaas ka soo jeeda gobolka Oromiya waxay warbaahinta u sheegeen in maadaama suuqa qaadka ee Muqdisho looga adkaaday ay hadda ku fara-adeygayaan midka Puntland. in kastoo ay qabaan cabashooyin badan.

“Markii aan suuqa Puntland soo galnay, waxaa nooga soo horreeyey ganacsade kale oo aan awalba qaadka ku shaqo lahayn, balse ku yimid garabka Ismaamulka Oromia, wuxuuna si ku talagal ah hoos ugu riday qiimaha qaadka oo awal lagu soo dhoofsan jiray $28 halkii kilogram. Wuxuu leeyahay diyaarad u gaar ah. Wuxuuna qiimaha hoos u dhigay ilaa $4. Hadda qaadka waxaa gudaha Puntland looga iibiyaa qiimo aanu kusoo bixin si innaga suuqa la inooga saaro,” ayuu yiri ganacsadahaas. 

Ganacsatadaan ayaa codsi u diray dowladda Itoobiya, iyagoo ka dalbaday inay arrintan soo fara-geliso oo ay wax ka qabato “kuwa sida sharci-darrada ah isaga gurubsanaya lacagta faraha badan.”

Kol hore, dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in isbeddel lagu sameyn doono suuqyada qaadka, si loo hubsado dakhli sugan inuu kasoo xaroodo. Isbeddellada la sameeyey waxaa kamid ah in qiimaha qaadka oo awal ahaa 5$ la gaarsiiyay 10$, halkii kilogram, tan iyo 15-kii bishii Janaayo ee sannadkan.