Sawirro: Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo u baxay safar dibadeed + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta u ambabaxay safar dibadeed oo uu ku aaday magaalada Johannesburg ee Koonfur Afrika.

Ujeedka safarka Aadan Madoobe ayaa ah ka qayb-galka shirweynaha guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Afrika ee (Pan-African Parliament) oo ka dhacaya Johannesburg.

Guddoomiyaha ayaa madasha ku soo bandhigi doono horumarada Golaha Shacabka iyo sidii ay wada shaqeyn buuxda u yeelan lahaayeen Baarlamaanka Afrika iyo kan Somalia.

Aadan Madoobe ayaa dhinac kale kulamo gaar gaar ah la yeelan doono xubnaha ka soo qab-galaya shirka Pan-African Parliament, isaga oo kala hadli doono arrimaha Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu guddoomiyaha Golaha Shacabka la shiri doonaa jaaliyada Soomaaliyeed iyo ganacsatada ku dhaqan waddanka Koonfur Afrika, isaga oo ka dhageysan doono cabashooyinka ay qabaan oo ay ugu horreyso dhibaatoooyinka loogu geysto dalkaasi.

Safarka Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku soo aadayo, xilli maalmo ka hor uu soo xirmay kalfadhigii koowaad ee Baarlamaanka 11-aad ee dalka, isla-markaana ay fasax galeen xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Si kastaba, Sheekh Aadan Madoobe ayaa tan markii la doortay  u baxay safarro kala duwan, wuxuuna gaaray dalal ay ka mid yihiin Kenya, Sacuudiga iyo Turkiga.