Xafiiska CIA-da ku leedahay dalka Turkiga oo qaaday tallaabo aad loola yaabay

Ankara (Caasimada Online) – Xafiiska Hay’adda CIA-da Maraykanka ku leedahay dalka Turkiga ayaa si cad ugu hanjabay ganacsatada dalkaas, ugana digay inay la ganacsadaan kuwa Ruushka, taasi oo ka yaabisay Turki badan.

CIA-da ayaa sidoo kale baaritaan ku billowday heshiisyada hantida maguurtada ah ee ganacsatada Turkish-ka, ayada oo Mareykanka uu ka walaacsan yahay in Ruushka ay ka baxsanayaan cunaqabatyanta la saaray.

Madaxa laanta CIA-da ee Turkiga ayaa lagu eedeeyey inuu la xiriiray shaqaale sare oo katirsan shirkadaha dhismaha dalkaas, isaga oo su’aalo ka weydiiyay la macaamil ganacsi iyo xogo kale oo qarsoodi ah oo la xiriira iibsigii ugu dambeeyey ee hantida maguurtadaa ah oo ay ku lug leeyihiin shirkadaha Ruushka iyo muwaadiniin u dhashay, sida uu ku warramay wargeyska Turkish-ka ah ee Yeni Safak oo soo xiganaya ilo ganacsato ah.

Sida ay ku warrantay warbixinta, sarkaalkan sare ee CIA-da ah, wuxuu ganacsatada Turkida ah weydiinayay su’aalaha isaga oo su’aalihiisa ku saleynaya cuna-qabateynta ka-dhanka ah Ruusha ee uu Maraykanku saaray. 

Sarkaalka ayaa xiisaynayay inuu ogaado tirada saxda ah ee guryaha laga iibiyay Ruushiyaanka iyo habkii loo maray bixinta lacagaha.

Warbaahinta ayaa tallaabtan ugu yeertay fara-gelin qaawan oo lagu sameynayo xoriyadda gaar ahaaneed ee Turkiga. 

Sidoo kale, ku-xigeenka Xogyaha Maaliyadda Maraykanka Wally Adeyemo ayaa warqad uu u diray Midowga Isu-tagga Warshadaha iyo Ganacsiyada Turkiga ee TUSAID wuxuu ugu hanjabay inuu cuna-qabateyn kusoo rogi doono xubnaha katirsan ee xiriirka ganacsi la leh Ruushka.

TUSAID ayaa xaqiijisay inay heshay warqadda – iyada oo xustay inay la wadaagtay wasaaradda arrimaha dibadda iyo maaliyadda Turkiga.

“Shaqsiyaad ama hay’ado kasta oo taageero agab ah siiya dadka uu Maraykanku ‘calaamadeystay’ waxay halis ugu jiraan in la saaro cuna-qabateyn,” ayuu Adeyemo kusoo qoray dhambaalkiisa iyada oo nuxurka sheekadiisa ku jirta ay markii ugu horreysay baahisay Jariiradda The Wall Street Journal.

“Bankiyada Turkiga lagama filayo inay xiriir la dhistaan bankiyada Ruushka ee la saaray cuna-qabateynta, taas beddelkeeda waxaa laga rabaa inay joogteeyaan la-macaamilka bankiyada adduunka ugu waaweyn. Waxna lagu kala iibsado lacagaha Dollarka iyo kuwa kale sida Euro,” ayuu sii raaciyay qoraalkiisa.

Tan iyo markii Ruushku uu dagaal ku qaaday Ukraine, Maraykanka iyo reer Yurub ayaa cuna-qabtayn kala duwan kusoo rogay Moscow – iyaga oo uga digay dalalka kale inay xiriir ganacsi la yeeshaan shirkadaha iyo shaqsiyaadka cunaq-qabateynta la saaray.

Turkiga, in kasta oo xubin muhiim ah ka yahay NATO, haddana wuxuu xiriir fiican la leeyahay Ruushka kaddib xitaa bilowgii dagaalka. Waxay taasi ka caraysiisay Maraykanka oo Turkiga u arka meel uu Ruushku kaga baxsanayo cuna-qabataynta uu saaray.

Bilowgii bishan, Erdogan iyo Putin ayaa gaaray heshiis lagu xoojinayo iskaashiga dhaqaale ee labada dal. 

Marka eego xogta rasmiga ah ee dhoofinta badeecadaha, Turkiga ayaa bilihii May iyo July oo kaliya, wuxuu Ruushka u iib geeyey laba jibbaarka wadarta guud intii uu sannadkii hore dhan u dhoofiyay.

Waa faa’iido iska cad iyo fursad uu Turkiga kaga faa’iideystay loolanka dhaqaale  ee u dhaxeeya Ruushka iyo xulufada uu Maraykanka hoggaaminayo.

Turkiga ayaa laba jibbaaray shidaalka uu kasoo degsado Ruushka xilli Moscow ay aad uga fogaaneyso xiriir ahaan Reer Galbeedka. Labada dal ayaa sidoo kale ku heshiiyay inay gaaska dabiiciga ah ku kala iibsadaan lacagta ruble-ka ee dalweynaha Ruushku isticmaalo.

Ankara ayaa sidoo kale xiriir fiican la leh Ukraine. Waxayna dhexdhexaad ka noqotay dagaalka socda – iyada oo diiday inay ku biirto cuna-qabataynta caalamiga ah ee la saaray Ruushka.