Abuu Mansuur: Sheekha ma loo shegay shalay iyo maanta inay kala duwan yihiin?

Waxaa halmar baraha bulshadda wada qabsaday hadalhaynta mukhtaar roobow “ABUU MANSUUR” oo ka mid noqday golaha wasiirada qaranka, dhamaanteyn waxaan wada ogeyn mukhtaar roobow oo xeran oo ay la’yihiin qoyskiisa iyo asxaabtiisa, waxay maalintaa dadku u kala qaybsameyn labo kooxood balse su’aasha ayaa ah dadku ma hilmaameyn waa kuma mukhtaar roobow?, waxaa soo xasuustay oraah laga soo xigtay Feylasuufkii albert camus (1913-1960) inuu yiri: “Qoraagu ma aha kan la safta kuwa taarikhda sameyay, balse waa kan la jirsada kuwa taarikhda dhibto”.

Dhibaatooyinkii faraha badnaa ee lasoo maray waxba kama aysan baran bulshada soomaaliyeed oo ay ugu horayso hogaan xumidda, taasi waxaa kuu cadeynaya sida markasta ay usoo doortaan ama usoo dhaweyaan dhiig-cabyadda iyo wax magaratadda .

Aafooyinkii nasoo maray waxaa ka mid ah in xilalkii dowladda laga safay Qab-qablayaashii dagaaladdii sokeeye hormuudka u ahaa, waxayna madax ka noqdeyn qaybaha kala duwan ee laamaha dowladda balse waxaa igula yaabka badnaa in gudoomiyaha Guddiga Dib u Eegista Dastuurka Qaranka loo magacaabo cabdi qayb-diid, marka aan sidaas leyahay ma aha inaa naceyb u qabo cabdi qayb-diid balse waxaan ila weyn Gudiga loo magacaabay oo aan u arko in halkaasi ka mudnaayeen aqoonyano badan, waxaa iyadana sidaaas oo kale xilalka dowlada laga safay ragii hormuudka u ahaa ama qayb ka ahaa ururadda argagixisadda(maxaakiim islaamiya iyo alshabaab). marka aad wareysato dadka xog-ogaalka u ah arimahaan waxay kuu shegayaan in ay ahayd xal balse aysan aheyn arin dowladnimadda u wanaagsan in darajooyinkii ciidanka laga safo ragii lala dagaalamayay shalay . waxaan xaq u leenahay inaa dhahno : EEBBOW BADANAA DENBIYADA MAGACAAGA IYO MAGACA DIINTAADA LAGU GALAA!.

Akhristow, xagee ku iloowday kumanaankii dhalinyaro ee naftoodii ku waayay dagaaladii ay galeen? Yaa ka mas’uul ahaa dambiyada ay galeen dhalinyaradii jano doonka ahaa? Boqolaalkii ahaa ubaxa dalka ee mustaqbalkoodii ku waayay been iyo borabagaando yaan u maxkamadenaa? maxaa ku taageersan tahay mukhtaar roobow? Ama qofkasta oo hada ka mid ah argagixisada ama sheeganaya inuu kasoo baxay! Dowladnimadda aad rabto waa qaab nuucee ah? Wax maka ogtahay aragtidiisa ku aadan u hogaansamida saraynta sharciga iyo xiriirka u dhaxeeya muwaadinka iyo dowladda.

Mukhtaar roobow kooxda uu ka tirsanaa, una ahaa hogaan waxa ugu weyn ay ka shaqeyaan waa inee doorka ilaah galaan dadkana ku xisaabiyaan muumin iyo gaal, waxaana ka dhasha bulsho ay ka dhex aloosan tahay loollan iyo dagaal diimeed, oo kooxiba kooxda kale riddo iyo gaalnimo ku xukumiso.

Wasiirka maloo sheegay in Dastuurka loo dejiyo si loo maareeyo khilaafaadka laamaha nolosha ee aadanaha, oo siyaasaddu ugu horayso. Muranka iyo khilaafaadka siyaasadduna waxay la xiriiraan nolosha aduunyada oo ay aadamaha u fududdahay in ay furdaamiyaan. Laakiin si taa ka duwan, quraanka oo dastuur lagu tilmaamo waxaa ka dhalanaya in muranka iyo khilaafku uu gaaro in la isgaalaysiiyo, oo moorada diinta arimo aduunyo dartood la isaga saaro. Hadaba sidee bay noqonaysaa xaaladda dalka siyaasiyiintiisu adeegsadaan hubka gaalaysiinta iyo aakhiro u dirka.

Sidoo kale kooxda uu hogaanka u ahaa mukhtaar roobow waxee Shareecada islaamka u fahmeen in lagu dhaqmo ama ula jeedaan wiilal gacmaha laga jaro, gabdho dhardhaar lala dhaco, duqey garka maxaa u xiirteen lagu karbaasho, iyo habro masaakiin ah oo loo diido daqiiqyada qorraxda iyo habaaska badan ee ay yaanyada ku iibsadaan, inta ay maamuli jireyn ama ay hada maamulaan ee koonfurta iyo bartamaha soomaaliya kama aysan fulin wax mashaariic ah, iskadaa mashaariicee waxee dadka u diideyn xuquuqooyinka aasaasiga ah.bal suureyso in aysan waligood dhisin hal wado, hal iskuul ama mashruuc faa’ido u ah bulshada ay maamulayaan.

Wasiirku shaqooyinkuu waayo-aragnimadda u leyahay iyo tan dowladda uu maanta ka hayo jago sare waa ay kala duwan tahay, waxayna kala qabtaan labo shaqo aan shaqo iyo shuqul isku laheyn, Shaqada dowladdu ma aha in ay aakhiro janno na geyso, laakiin waa in ay aqallada aduunka biyo iyo koronto noo geliso. Ma aha waajibkeedu in ay firdowso qasriyo nooga dhisto, balse waa in ay ifka nooga dhisto dugsiyo, isbitaallo, iyo wadooyin. Xilkeedu ma aha in ay kaniisado, macaabid iyo masaajid ay camirto, laakiin waa in ay taagto buundooyin iyo biyo-xereenno.

Haddaba ma aha inaa leyahay yaan lasoo dhaweyn dadka ka imaanaya ururadda argagixisadda balse waxaa qabaa in dadkaas la marsiiyo wixii sharci ah, helaana nolol la mid ah mida muwaadinka caadiga ah, waxaanse diidanahay in xilalka dowladda laga safo oo ay na hor boodaan dadkii aan naqaanay shalay waxee sameen jireen, maanta kuma aamini karno inta yar aan heysano waayoo mashruuca dawlad dhiska soomaaliya ee bilaabmay 2001 kii waa mid fadhiid ah, lana dhameystirin, yaanan caqabado kale aanan ka bixin kirin nala gilin.

Akhristow Su’aalaha is weydiinta mudan waxay tahay, maxay qabteyn xukuumadihii dalka soo maray? Ma dhameystirayn mashruucii dowlad-dhiska soomaaliya? Maxaa loo dhameystiri la’ahay dastuurka dalka iyo hey’adaha dowliga kuwooda ugu muhiimsan sida maxkamada sare? Maxaa loo ansixin la’yahay xeerka argagixisnimada? Makula tahay in xukuumadda hada jirto ayqaban doonto howlahaa qabyada ah? Hadaan dastuurka la dhameystirin, lana dhisin maxkamada sare ee dalka laga ma adkaan doono argagixisada iyo cidkasta oo damaceeda yahay burburinta qaranka.

Mohamed Ahmed Jiinte – Waxaad kala xiriiri kartaa: jiintecade23@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.Â