Xog: Madaxda dowladda oo magaalada Muqdisho ugu yeeray Jeneraal Mascuud

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Milateriga Soomaaliya ayaa Muqdisho ugu yeeray General Mascuud Maxamed Warsame oo ka tirsan Milateriga Soomaaliya,  islamarkaana ahaa shaqsigii Allah ka soke badbaadiyay hogaamiyaasha maamulkii Ahlu-Sunna ee lagu weeraray Dhuusamareeb.

Jeneral Mascuud oo ah taliyaha qaybta guutada 15-aad ee qaybta 21-aad, ayaa gaaray Muqdisho, waxa uuna hadda ku sugan yahay guriga taliyaha Hay’adda Socodaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi, ayada oo aysan jirin warar warbaahinta qaar ay ku sheegeen in lagu xiray Muqdisho.

Xog ay ka heshay Caasimada Online Villa Somalia ayaa sheegaysa in General Mascuud, oo la filayo inuu la kulmo madaxda dowladda, ay arrimaha loogu yeeray ka mid yihiin inuu dowladda federaalka Soomaaliya ku wareejiyo hubkii maamulkii Ahlu-Sunna oo isaga lagu wareejiyay markii laga adkaaday Macalim Maxamuud iyo Sheekh Shaakir.

Waxaa sidoo kale la filayaa in su’aalo laga weydiiyo sidii uu ku baxsaday Sheekh Shaakir oo xabsi guri ku ahaa Dhuusamareeb, halkaasi oo uu ku hayay General Mascuud.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa habeen Fiid hore Dhuusamareeb uga baxsaday saddex gaari oo ah nuuca yar ee lagu qaado qaadka islamarkaana aad looga yaqaano gobalada Dhexe, waxa uuna isu muuqaal ekeysiiyay Xer u socota siyaaro ka jirtay Gaalkacyo.

Madaxda dowladda ayaa sidoo kale isku dayaya in Generaal Mascuud Maxamed Warsame, in laga dhaadhiciyo inuu wareejiyo Xarunta 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka, oo la rabo in laga dhiso madaxtooyada Galmuudg.

Mascuud ayaa qoraal uu 8-dii bishan soo dhigay facebook ku yiri “Xarunta qaybta 21-aad saldhigeedu waa caasimadda Galmudug ee Dhuosamareeb, wayna sii ahaan doontaa Insha Allah.”

Is-rasaaseyn dhimasho leh ayaa maanta xarunta ku dhex martay ciidamada ilalaada u ah madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Qoor Qoor iyo askarta taliska 21-aad ee ciidanka xoogga dalka ee halkaas degan.

Dagaalka ayaa waxa uu yimid kadib markii madaxweyne Qoor Qoor oo dhagax dhigi rabay xarunta madaxtooyada Galmudug, oo laga dhisayo xerada 21-aad uu tagay xerada oo fariisin u ah ciidamada Xoogga ee 21-aad.

Ciidamadii ku sugnaa xarunta ayaa la sheegay inay kadib diideen in madaxweynuhu soo galo halkaaas, kadibna waxaa billaabatay is-rasaaseyn socotay dhowr daqiiqo.