Madaxweyne Qoor Qoor oo maanta maamul cusub u magacaabay Dhuusamareeb

Zahra Axmed GacalBy Zahra Axmed Gacal

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa maamul cusub u magacaabay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Wareegto kasoo baxday xaafiiska Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa Dhuusamareeb loogu magacaabay guddoomiye laba ku xigeen iyo xoghaye.

Guddoomiyaha caasimadda Dhuusamareeb ayaa loo magacaabay Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geedaqorow oo horay guddoomiye uga soo noqday magaalada Dhuusamareeb sanadihii ay maamuleysay Ahlu-Sunna.

Sidoo kale Cabdi Xaashi Caroole ayaa loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda, halka Cabdixakiin Cabdullahi Warsame loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo arrimaha bulshada degmada Dhuusamareeb.

Xoghayaha degmada ayaa sidoo kale loo magacaabay Cabdicasiis Faarax Aadan, waxaana hey’adaha kala duwan ee maamulka Galmudug lagu faray wareegtadaan in ay la shaqeeyaan maamulka cusub ee loo magacaabay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.