Nin ka yimid Shiinaha oo lagu qabtay garoonka Aadan Cadde iyo DF oo tallaabo ka qaadeysa Ethiopian Airlines

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta garoonka diyaaradha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho lagu qabtay nin Soomaali ah oo la socday diyaaradda Ethiopian Airlines.

Ninkaas ayaa waxaa la sheegay in diyaaradda uu kasoo raacay dalka Shiinaha oo dabayaaqadii sanadkii hore uu ka dillaacay caabuqa Coronavirus oo dunida kusii faafaya, waxaana muwaadinkaas looga shakiyey in uu sido caabuqaas.

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee xukuumadda Soomaaliya oo war kasoo saartay arrimaha ku saabsan safarka muwaadinkaas Soomaaliyeed ayaa sheegtay in hadda ninkaas lagu karaantiilayo goob loo diyaariyey dadka looga shakiyo Coronavirus.

“Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyada oo ka duulayso waajibka shaqo ee ka saaran inay bulshada la wadaagto xogaha la xariiro Caabuqo dunida kusii faafaya ee COVID-19, isla markaana bulshada u bayaaninaysa wararka la xariira muwaadin Soomaaliyeed oo saarnaa diyaaradda Itoobiya ee saakey soo gaartay garoonka Aadan Cabdulle ee Muqdisho” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda caafimaadka.

Sidoo kale qoraalka Wasaaradda caafimaadka ayaa lagu yiri “Wasaaraddu waxa ay ka codsatay hey’adaha ay khuseyso in ay la xisaabtamaan oo talaabada ku haboonna ka qaadaan diyaaradaha jebiya tilmaamaha ay bixisay dowladda Soomaaliya, kuwaas oo la xariira caafimaadka iyo isku gooshka”.

Halkan ka aqriso war-saxaafadeedka wasaaradda