Barnaamijka Galka Baarista VOA oo kashifay sirta shirkadaha Forex ee Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Barnaamijka Galka Baarista ee idaacadda VOA ayaa soo bandhigay xaqiiqda waxay ay yihiin shirkadaha sarifka lacagaha ee online-ka ee loo yaqaan Forex eek a howl-gala Soomaaliya.

Baaritaanka uu sameeyey barnaamijka Galka Baarista ayaa lagu sheegay in ganacsigaan uu yahay mid mugdi ku jiro, gaar ahaan qaabka ay u adeegsadaan shirkadaha ka jiro Soomaaliya.

Baaritaanka ayaa lagu ogaaday inaysan jirin wax ganacsi ah oo ay shirkadahan ay sameeyaan, balse qaabka ay u shaqeeyaan uu yahay in lacagta laga qaado qofka cusub la siiyo qofka dambe.

Marka muddo sidaas ay howsha u socota, oo dad badan ay soo galaanna mar qura lacagta lala gooyey, taasi oo marar badan uga dhacday dalal bada.

Sidoo kale, waxaa barnaamijkaan lagu caddeeyey in shirkadahaan aysan wax shati ah ka heysan dowladda Soomaaliya isla markaasna ay lacagaha isugu gudbiyaan qaab sharci darro ah.

Barnaamijka Galka Baarista ayaa ka jawaabay su’aalo badan oo ku saabsan shirkadahaan oo ay ugu muhiimsanaayeen waxa ay yihiin, sida ganacsigoodu u shaqeeyo, maxaa ka run ah faa’iidada ay dadka u ballan-qaadaan, xagee la geeyaa lacagta shacabka laga qaado iyo qodobo kale.

Haddaba halkaan hoose ka dhageyso barnaamijkaan oo uu soo jeedinayo Haaruun Macruuf oo ka tirsan VOA.