Maamulka PUNTLAND oo digniin kama dambeys ah u diray ganacsatada

Garoowe (Caasimada Online) – Xeer ilaaliye ku xigeenka guud ee dowlad goboleedka Puntland Maxamed Xareed oo maanta warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Garoowe ayaa digniin kama dambeys ah u diray ganacsatada maamulkaasi, gaar ahaan kuwa uu sheegay inay ka dhaga adeegayaan bixinta lacagaha canshuuraha.

Xareed ayaa tilmaamay in xeer ilaalintu ay dawco ku soo oogi doonto cidkasta oo diida bixinta lacagaha canshuuraha ee lagu leeyahay.

“Xafiiska xeer ilaalinta guud waxa uu dacwad ku soo oogi doonaa eedeysanayaa ku sifoobay in aysan bixin Canshuurta, waxaana ka dhalanaya dambi weyn oo ciqaab culus wata, Ganacsatada waxa aan uga digeynaa in ay isku dayaan diidmada waajibka lagu leeyahay.” ayuu yiri Maxamed Xareed oo ah xeer ilaaliye ku xigeenka Puntalnd.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Puntland ay la wareegi doonto badeeco kasta oo lala dhuunto, iyadoo aan la canshuurin, sida uu hadalka u dhigay.

“Xafiiska xeer ilaalinta guud ee dowlad goboleedka Puntland, wuxuu la socod-siinaya dhammaan ganacsatada, haddii badeecadaha ka soo dega furdooyinka Puntland lagala baxsado Canshuurta ku waajibtay, iyadoo lagu xad-gudbayo xeerarka Wasaaradda Maaliyadda, waxaan u sheegaynaa ganacsatada in dhammaan badeecaddaas ay la wareegayso dowlad goboleedka Puntland sida waafaqsan nidaamka qaanuuneed gaar ahaan xeerarka u degsan wasaaradda maaliyadda” ayaa markale yiri Maxamed Xareed.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso ay ka taagnaayeen xiisado u dhexeeya maamulka Puntland iyo ganacsatada oo ka cabanayey lacago canshuuro dheeraad ah oo lagu kordhiyey ganacsigooda.