Somaliland oo xirtay NIN ajnabi ah oo ka dhoofayey garoonka Hargeysa + Sababta

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa maanta Garoonka magaalada Hargeysa ku qabatay Nin ajnabi ah oo watay 300 oo ah xayawaanka loo yaqaano Caasho Badhi ama bulac.

Ciidamada Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Ninkaasi ajnabiga ah oo sitay xayawaankaasi oo kamid xayawaanada yar yar ee xamaaratada loo yaqaano.

Faysal Xiis, Taliyaha Waaxda Dabi-baarista Booliska Somaliland ahna Afhayeenka Booliska oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Ninkaasi Ajnabiga ah uu si sharci daro uu u gaarsaday Xayawaankaasi.

Taliye Faysal ayaa sheegay in waaxda baaristu ay Ninkaasi ku wado baaris, isagoona xusay in la horgeyn doono Maxkamad, maadama uu si sharci daro ah gudaha Somaliland uga soo ugaarsaday xayawaankaasi loo yaqaano Caasho Badhida.

Xiis oo ka gaabsaday in uu shaaciyo wadanka uu ka soo jeedo Ninkaasi ajnabiga ah ee maanta ay ku qabteen Garoonka Hargeysa, ayaa sheegay inay sharciga la tiigsan doonaan cidkasta oo khayraadka Somaliland sifo sharci daro ah ku dhoofineysa.

Ma aha markii u horeysay ee Somaliland u xirto Dad ajnabi ah oo si sharci daro ah uga ugaarsada gudaha Somaliland, inkasta oo tirada xayawaankan la qabtay ay ka dhigeyso midkii ugu badnaa ee si sharci daro ah looga ugaarsado deegaanadeeda.

Somaliland ayaa hore xukun Sanado ah ugu riday Rag ay ku soo qabatay xayawaankan Caasho Badhida, waana talaabooyinka muujinaya sida xukuumado ugula dagalaanto ugaadhsiga sharci darada ah ee duurjoogta.