Wasiirka caafimaadka UK oo laga helay Coronavirus

London (Caasimada Online) – Wasiirka caafimaadka UK Nedine Dorries ayaa laga helay cudurka CoronaVirus, waxaana ay sheegtay in si iskeed ah ay isku karantiileyso.

Inkasta oo Nedine lagu magacaabo wasiir, haddana waa wasiir ku-xigeen, sababtoo ah dalka UK waxaa wasaaradda caafimaadka ugu sarreeya Xoghayaha. Xoghayaha ayaa leh saddex ku xigeen oo loogu yeero Minister, kuwaas oo Nedine ay ka mid tahay.

Dorries oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan xisbiga Conservative-ka ayaa sheegtay inay qaaday “dhammaan taxaddarada lagula taliyey” islamarkii loo sheegay in cudurka uu ku dhacay.

Wargeyska The Times ayaa ku warramay in Dorries ay boqolaal qof kula kulantay baarlamanka toddobaadkii tagey islamarkaana ay ka qeyb gashay munaasabad uu ku sugnaa ra’iisul wasaare Boris Johnson.

“Waaxda caafimaadka ayaa billowday inay daba-gasho dhammaan dadkii aan xiriirka la sameeyey, waxaana xafiisyadeeda wasaaradda caafimaadka iyo baarlamanka ay raacayaan talooyinka loo jeediyey,” waxaa sidaas bayaan ay soo saartay ku tiri Dorries.

Xoghayaha caafimaadka UK Matt Hancock ayaa qoraal oo soo dhigay twitter ku yiri inuu “aad ugu xun yahay” in Dorries laga helay cudurka. “Waxay sameysay waxa saxda ah si ay iskeed isugu karantiisho.”

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo tirada dadka u dhintay cudurka CoronaVirus ee UK ay gaartay lix qof, halka dadka cudurka uu ku dhacay ay guud ahaan marayaan 379 qof.

In ka badan 116,000 oo qof ayaa laga helay cudurka CoronaVirus guud ahaan caalamka, ayada oo in ka badan 4,000 oo qof ay u dhinteen, sida uu sheegay ururka caafimaadka WHO.