Xildhibaan reer Somaliland ah oo shaaca ka qaaday in uusan dib isku soo ‘sharaxi doonin’ hal sabab darteed

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha wakiilada Somaliland, ayaa markii u horeysay shaaciyey in uusan dib isku soo sharaxi dooni doorashada Golahaasi ee la filayo inay qabsoomto.

Xildhibaan Qabile oo muddo dheer ku soo jirey Golaha wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in uu ka dagayo Kursigaasi, isla markaana uu noqonayo Oday soo xula Musharixiinta golaha Wakiilada.

Qabile ayaa waxa kale oo uu si weyn u soo dhaweeyay Heshiiskii ay dhowaan khilaafkii doorashada ka gaadheen Xisbiyada mucaaridka iyo Madaxweynaha Somaliland, isagoona xusay in wax wanaagsan ay tahay in la dhameeyo khilaafkii siyaasiga ahaa.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in Xaalka Somaliland uu u baqayay maadama uu khilaafkaasi laga heshiiyey uu ahaa mid soo noq-noqday oo saameyn weyn ku yeeshay gudaha Somaliland.

“Anigu muddo aad u dheer ayaan ahaa Xildhibaan ka tirsan Wakiilada, haddii ALLE nafta ii daayana waan ka dagayaa kursiga oo waxaan noqonayaa Oday ka qayb qaata xulista musharixiinta Golaha Wakiilada” ayuu yiri Xildhibaan Qabile.

Wuxuuna intaas kusii daray “In la heshiiyo oo laga heshiiyo khilaafaadka siyaasiga ah ee ina ragaadiyey waa mid aan soo dhaweeynayo, waxaana guud ahaan heshiiskan ugu mahad-naqayaa Madaxweynaha, Xisbiyada, Bulshada Somaliland iyo cid kasta oo gacan ka geystay heshiiska”.

“Runtii farta ayeynu wadnaha ku haynay, oo baqasho badan baa jirtay, laakiin baqashadaas badani haddii ay maanta ku dambaysay heshiis aynu ka heshiinay wixii la isku hayey waa ALLE mahadii”.