Xog: Madaxda ugu sarreysa DF oo laba garab noqday

Muqdisho (Caasimada Online) – Caadiyan madaxda Soomaalida ayaa siyaasada ku kala fogaada markii uu soo dhawyahay waqtiga kala guurka, waxaana hada soo if baxaya khilaaf dhowrkii bil ee ugu dambeysay la hadal hayay, kaas oo u dhaxeeyo mas’uuliyiinta Soomaaliya.

Madaxda ayaa isku khilaafsan nooca doorashada dalka ka dhaceysa 2020 iyo habka loo wajahayo, waxaana ay tani horseeday in laba dhinac kala noqdaan, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Khilaafkan ma ahan mid shaqada kale ee dowladda saameyn ku leh, wuxuuna ku kooban yahay kaliya arrinta doorashooyinka.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal, ku-xigeenkiisa Cabdi Weli Muudey, iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali ay isku dhinac yihiin.

Xubnahan ayaa doonaya in doorashada madaxtooyada ay u dhacdo sida ku qoran dastuurka ah, taas oo ah in Baarlamaanka ay doortaan madaxweynaha, halka xildhibaanada ay soo dooran doonaan dadweynaha, haddii ay suurta-gal tahay, haddii kalena lagu celiyo nidaamkii 2016 ee ergada 51-ka

Dhinaca kale, waxaa iyana isku dhinac iyo xulufo ah, madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, iyo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Mahad Cawad, waxayna doonayaan in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, islamarkaana la baal maro dastuurka oo ay ku qoran tahay in madaxweynaha ku yimaado doorashada labada Gole ee baarlamanka.

Dooda mas’uuliyiintaan labada garab noqday ayaa sababtay in 3 jeer fariin loo soo diro Baarlamaanka oo ay aheyd in ay Isniintii kulmaan, balse la baajiyey.

Madaxweynaha ayaa raba in doorashado ay noqoto mid qof iyo cod ah, oo aysan ka wada qeyb gelin shacabka oo idil, balse dhowr kun oo shacabka matala ay codeeyaan. Madaxweynaha ayaa raba in dadkaas ay soo xusho dowladda isuguna keento Muqdisho, halkaasna laga codeeyo.

Madaxweynaha ayaa rumeysan in haddii xildhibaanada ay dooranayaan madaxweynaha uusan wax rajo ah ka lahayn in dib loo doorto, waana sababta uu ugu adeegayo in dad uu meel isugu keensado oo ay doortaan.

Kheyre iyo Mursal ayaa rumeysan in doorasho noocaas ah ay tahay wax aan dunida horey uga dhicin oo caqliga saliimka ah uu diidayo, waxayna ku adkeysteen inaysan jirin meel ay uga gudbi karaan qodob dastuuri ah.