Ujeedka wafdi ka socda Kilinka Oromada Itoobiya oo maanta gaaray Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) ― Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa waxa soo gaadhay Wafdi balaadhan oo ka socday dowlad deegaanka Oromada ee dalka Itoobiya, oo ay hogaaminayey haweenayda Madaxweyne kuxigeenka ka ah kilinka Oromada.

Wafdigan ka socday Kilinka Oromadad ee dalka Itoobiya ayaa waxa magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan xukuumada Muuse Biixi iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya.

Wafdigan ayaa u jeedkooda yahay inay ka qeyb galayaan furitaanka Carwo ka qabsoomeysa magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, sida uu sheegasy Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya wuxuuna yiri

“Wafdigani waa wafdi inooga yimid Killinka Oromada ee dalka Itoobiya, Waxayna u yimaadeen carwo ganacsi oo aan beri ka furi doono hudheelka Grand Hadi ee magaaladda Hargaysa. Carwadaasi ganacsi oo u jeedadeedu tahay in aynu dhiiri gelino baayac-mushtarkeena iyo wershadaheenu waxay soo saaraan”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Weftigan ka socda killinka Oromadda iyo wefti kaloo saaka Hargaysa yimid, oo ka socda dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya, labaduba waxay u yimaadeen in ay nagala qayb galaan carwadaasi, waxaana wafdigan gayn doonnaa dekadda magaaladda Berbera, si ay u soo indho-indheeyaan”

Madaxweyne kuxigeenka Kilinka Oromada ee dalka Itoobiya, oo iyaduna warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay inay ku faraxsantahay booqashadeeda Somaliland, iyadoona xustay in Somaliland tahay dalkeedii Labaad, isla markaana ay ka wada hadli doonan arrimo dhowr ah.

“Somaliland waa dalkayaga labaad, waxaanan dareemaynaa in aanu dalkayagii joogno. Waanad ku mahadsan tihiin soo dhawaynta aad noo samayseen. Waxaan nahay labadda dal oo jaar ah” ayey tiri Madaxweyne kuxigeenka Kilinka Oromada oo hogaamineysay wafdigaasi.

Waxayna intaasi ku sii dartay “Waxaanan ka wada hadli doonaa labadda maalmood ee soo socda, sidii aynu isaga kaashan lahayn horumarinta bulshooyinkeena iyo arrimaha dhaqaalaha”.