Guddiga farsamada oo qiray in la bedalay saxiixayaasha qaar ee beelaha Galmudug

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga farsamada ee maamul u sameynta Galmudug, Mudane Cabdinaasir Geelle Cilmi oo la hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa faah faahin guud ka bixiyey howlaha doorashada ee maamulkaasi.

Geelle ayaa wareysigaan ku sheegay in dhammaan la xaliyey cabashadii beelaha, sida Saleebaan, Sacad iyo xataa Ahlu Sunna Waljamaaca, islamarkaana ay wax badan u qabsoomeen ka guddi ahaan muddadii ay joogeen gudaha magaalada Dhuusamareeb.

“Aniga 2 bil ayaan joogaa halkan, dhib badan ma arkin, cabashadii beelaha ee hore sida Saleebaan, Sacad ama xataa Ahlu Sunna, dhammaan waa la xaliyey, waana laga soo gudbay, hadda waxaa lagu mideysan yahay in maamul loo dhanyahay loo dhiso Galmudug”. ayuu yiri guddoomiyuhu.

Sidoo kale Cabdinaasir Gelle ayaa xaqiijiyey in 4 ka mid ah saxiixayaasha beelaha Galmudug ee 2015-kii la bedalay, saddex ka mid ah wuxuu sheegay inay ahaayeen beesha Murusade, halka midka afaraad ee la bedlay uu ahaa beesha Shiikhaal.

Guddoomiyaha ma shaacin sababta rasmiga ah ee meesha looga saaray xubnahaasi oo ka mid ahaa 46 oday oo ah saxiixayaasha beelaha deegaanada maamulka Galmudug.

“Odayaasha saxiixayaasha waxaa ay ahaayeen 46, waxa la badalay waa 4 keliya, 3 Murusade ah iyo hal Sheekhaal ah, inta kale wax la taabtay ma jiraan, iyaga ayaana hadda shaqeeya”. Ayuu ku yiri wareysiga uu bixiyey Cabdinaasir Geelle Cilmi.

Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay arrimaha doorashada Galmudug, gaar ahaan jadwalka ay soo saareen, isaga oo sheegay inay caqabad ka jirin, kuna shaqeyn doonaan.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Ahlu Sunna Waljamaaca ay ka soo horjeesatay shuruudihii uu xalay shaaciyey guddiga doorashada Galmudug, kuwaas oo la dul dhigay xubnaha doonaya inay ka mid ah noqdaan baaralamaanka labaad ee maamulkaasi.