Askari ka tirsan ciidamada DF Soomaaliya oo toogasho ka geystay MUQDISHO

 Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil uu maanta askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya wiil dhalinyaro ahaa ugu geystay agagaarka isgoyska Howlwadaag ee magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Marxuumka la dilay oo ahaa wade Mooto Bajaaj ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Yuusuf Axmed Cosoble.

Dilkiisa ayaa yimid, kadib markii uu muran soo kala dhex galay darawalkaasi iyo askariga oo markii dambe rasaas ku furay, taas oo sababtay geeridiisa.

Wararka ayaa sheegaya Yuusuf Axmed Cosoble uu dhowaan ka yimid dalka Koonfur Afrika, kuna biiray dhalinyarada kaxeysa mootada nooca loo yaqaano Bajaajta.

Askariga toogashada geystay ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inuu isaga dhaqaaqay goobta, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga.

Inta badan ciidamada dowladda ayaa magaalada Muqdisho dilal ugu geysta darawallada  Bajaajleyda oo marar badan dhigay dibadbaxyo cabasho ah.

Madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo uu ugu horreeyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahhi Maxamed (Farmaajo) ayaa horay u ballan qaaday in wax looga qaban doono dilalka loo geysto dhalinyaradaan, balse weli ma muuqata tallaabo la qaaday.