Ciidamada DF oo joojiyey xaflad ay Ahlu Sunna ku qaban lahayd Dhuusamareb

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ee magaalada Dhuusomareeb ayaa maanta joojiyey munaasabad ay xubno ka tirsan Ahlu-Sunna ku qaban lahaayeen magaalada Dhuusamareeb, taas oo lagu taageerayey 20-ka xildhibaan ee Ahlu-Sunna laga siiyey baarlamanka Galmudug.

Xafladda oo ay wadeen xubnaha Ahlu Suna ayaa markii hore la ogolaaday inay dhacdo, laakiin maanta barqadii ayaa lagu wargeliyey inaan la dhigi karin xafladaasi, kadib markii ay goobta lagu qaban lahaa tageen taliyaha booliska dhuusamareeb.

Xildhibaan Shaacir Sheegow oo ka mid ah xildhibaannada ay soo magacawday Ahlu-Sunna ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay joojisey munaasabadaas, ayna tahay caburin ka socota dowladda federaalka Soomaaliya.

Arrintaan ayaa imaaneysa kadib markii Ahlu Sunna ay maalin ka hor shaacisay liiska 20-ka qof ee ku matali doono baarlmaanka Galmudug iyo beelaha ay kasoo kala jeedaan.

Xubnaha ay shaacisay Ahlu Sunna ayaa waxaa ka hor yimid qaar ka tirsan beelaha Galmudug oo sheegay inaan si siman xildhibaanadaas looga qaadin beelaha ku heshiiyey dhismaha Galmudug.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Xildhibaan Shaacir Sheegow