Ciidamada Amniga oo farriin amni u diray weriye Abdulkadir Isse

Muqdisho (Caasimada Online) – Abdulkadir Isse, Agaasimaha Xeriirka Dadweynaha ee Garsoor ayay Ciidamada Amniga u direen Fariimo Amni oo isaga ka dhan ah.

Nikan u qaabilsan Garsoorka Xagga xiriirka Warbaahinta iyo Dadweynaha ayaa sida badan soo diyaariya warbixinno ka dhan ah kooxaha dowladda ka soo hor jeedo, sida Al-Shabaab iyo Daacish.

Waxa uu ka sameeya wareysiyo barnaamij caan ka ah Soomaaliya oo lagu magacaabo Gungaar, kaasi oo bixiya xogo xasaasi ah oo ku saabsan mintidiinta Soomaaliya.

Abdulkadir Isse ayaa sida la ogyahay sidoo kale ku wehliya Ciidamada Qalabka Sida furumaha dagaalka, waxa uuna inta badan warbixinno ka soo sameeyay dhammaan deegannada lagala wareegay kooxda ka soo hor jeedo Dowladnimada.

Shaqooyinkan ayaa marar badan halis geliyey nolosha Abdulkadir Isse, oo ay beegsadeen xagjiriinta Soomaaliya.

25-kii September 2019, ayuu Abdulkadir Isse ka bad baxday qarax lagula eegtay inta u dhexeyso Kaxda iyo degadka KM13 ee duleedka magaalada Muqdisho.