Hooyooyin: “Wiilasheenna waxaa la yiri Qatar ayaa la idin kugu qaadaa ardaynimo, waxaase la geeyey Eritrea

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qaar ka mid ah waalidiinta magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay cabasho ka yihiin wiilal ay dhaleen oo ay sheegeen in ay dowladda Soomaaliya askar ahaan ugu qaadeyso dalal dibedda ah.

Ruqiyo Sahal Cangul Afyare oo ah hooyada wiil 19 jir ah, oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay u sheegtay in wiilkeeda tababar looga qaaday dalka Qatar, balse la geeyey Dalka Eritrea.

Hooyo Ruqiyo ayaa sheegtay in wiilkeeda intaan la wadin ay ugu tagtay xeradii lagu xareeyey ,balse loo diiday inay aragto, islamarkaana lagu xujeeyey inay lacag bixiso, haddii ay rabto in wiilkeeda xirada looga soo saaro.

Hooyadaan oo ilmeeneysa ayaa sheegtay inay wiilkeeda kusoo korisay agoontinimo islamarkaana ay nolol maalmeedkiisa kasoo dhacsan jirtay iibinta Shaaha.

Waxay sheegtay in loo sheegay in wiilkeeda uu lacag ku qaatay shakhsi dowladda ka tirsan, balse ay diiday inay sheegto sababo amni awgeed.

Hooyo Ruqiyo ayaa madaxda ugu sareeyo dalka ka codsatay in nolol iyo geeri loogu sheego wiilkeeda oo sida ay sheegtay ka maqan 3 bil.

Shirka jaraa’id ee hooyo Ruqiyo ayaa waxaa sidoo kale kasoo muuqday hooyooyin kale, oo iyana ay ka maqan yihiin caruurtooda.

Caasimada Online, si madax banaan uma xaqiijin karto warka hooyo Ruqiya, waxaana xiriiro aan la sameyn xubno ka tirsan dowladda ay ka gaabsadeen inay arrintan ka hadlaan. Si kastaba, wasiirka gaashaandhigga iyo abaanduulaa ciidamada xoogga dalka oo arrintan uu wax ka weydiiyey baarlamanka, ayaa labaduba beeniyey in ciidamo loo qaaday Eritrea.

Halkaan hoose ka daawo cabashada hooyooyinka