26 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Xog: Madaxweyne Xasan Sheikh oo magacaabay madaxa guddiga dacwadda badda (Waa kuma?)

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Iyadoo lagu wado in bishan febraayo shanteeday aay dowladda Soomaaliya u gudbiso jawaabteeda ku aadan dacwadda badda ee kala dhexeysa Kenya, taasoo aay dowladda Kenya sheegtay in Maxkamadda Qaramada Midoobay ee ICJ aanay qaadi karin dacwaddan.

DufleMadaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay guddi ka kooban shan xubnood oo horjoogayaal u noqon doona kiiska dacwadda badda. Guddigan ayaa waxaa horjeege ama madax looga dhigay Dr. Cumar Duffle oo ah la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha koofurtu Ameerika.

Guddigan ayaa waxaa kale oo xubna ka ah safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Ambasador Jamal Xasan iyo Aweys Xaaji oo ah la taliyaha madaxweynaha ee xagga arrimaha siyaasadda, waxaana ku wehliya guddiga xeer ilaaliyaha Qaranka iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya Ururka Midowga Yuruf Amb. Cali Saciid Fiqi.

Ilaa iyo hadda lama oga halka aay mareyso soo gudbinta jawaabta laga sugaayo Soomaaliya oo loo qabtay in aay soo gudbiyaan ka hor maalinta Jimcaha ee nagu soo socoto ee shanta 5 Febraayo.

 

dufle2

Dufle1

 

- Advertisement -

Read more

Local News