Madaxweyne ku-xigeenka maamulka GALMUDUG oo ku sii jeeda Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta kusii jeeda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Cali Ciid ayaa hadda ku sugan magaalada Garoowe, halkaas oo uu u tegay caleema saarka hoggaanka cusub ee Puntland oo lagu wado inay dhacdo 25-ka bishaan.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug iyo wafdi ay hoggaaminayaan ay maanta kasii bixi doonaan magaalada Garoowe, iyaga oo tegaya magaalada Laascaanood oo xarun u ah maamulka kumeel gaarka ah ee SSC-Khaatuma.

Qaban-qaabo loogu jiro soo dhaweynta wafdigan ayaa haatan ka socota gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood oo ay diyaar ku yihiin mas’uuliyiin iyo dad shacab.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa inta uu joogo Laascaanood kormeeri doono xarumaha muhiimka ah ee magaaladaas iyo saameynta kasoo gaartay dagaalladii u dhexeeyay ciidamada SSC iyo kuwa Somaliland ee muddada dheer ka socday halkaasi.

Sidoo kale wuxuu kulamo gaar gaar ah la qaaday mas’uuliyiinta maamulka deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan halkaasi.

Mr. Ciid ayaa noqonaya mas’uullii ugu horreeyay ee ka socda Galmudug oo cagta dhiga Laascaanood, tan iyo markii laga saaray ciidamada milatariga Somaliland.

Horay magaaladan waxaa u booqday mas’uuliyiin ka socda dowladda federaalka, sida wasiirro iyo xildhibaanno kasoo jeeda deegaanka, si ay u garab istaagaan dadkooda.

Si kastaba, xaaladda Laascaanood ayaa daganeyd bilihii lasoo dhaafay, waxaana si caadi ah usocda howl maalmeedka shacabka, ayada oo magaalada ay gacanta ku hayso SSC.