Xog: Madaxweyne Qoor Qoor oo iska wareejiyey bixinta kursiga Xaaf iyo Qeybdiid

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo kala duwan ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye uu iska wareejiyay go’aanka kursiga Beesha Sacad ee Aqalka Sare, oo loolan xooggan uu ka taagan yahay.

Kursigan ayaa waxaa u taagan Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, waana mid ka mid ah kuraasta ugu loolanka adag Aqalka Sare.

Wararka aan ka helayno Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf uu u sheegay Qoor Qoor in aan magaciisa laga reebi karin tartanka Aqalka Sare, waxayna taasi sababtay in Madaxweyne Qoor qQoor uu odayaasha beesha Sacad iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ka dalbaday in lakala saaro labadaan masuul.

“Waxaa jiri doono shir ay yeelan doonaan odoyaasha iyo siyaasiinta beesha Sacad, waxaana filaynaa in uu ka qeybgeli doono Rooble waxaana filaynaa in halkaas go’aan looga gaaro kursiga,” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug.

“Shaki kuma jiro in Qeybdiid heli doono kursigaan laakiin Xaaf waa lagu qasbanyahay in la qanciyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaankaan katirsan Baarlamaanka Galmudug islamarkaana la hadlay Caasimada Online.

Qoor Qoor ayey si aad isugu dhow yihiin Qeybdiid, waxaana lagu warramaya inuu la doonayo kursiga, hase yeeshee sidoo kale uu ka walaacsan yahay rabashado ka dhaca Galmudug, haddii kursiga laga reebo Xaaf ayada oo aan la qancin.

Laba kamid ah kuraasta Xubnaha Aqalka Sare ee Galmudug ku matalaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa harsan waxaana ku horgudban caqabado badan. Kuraasta harsan ayaa waxaa iskaleh beelaha Sacad Habar-gidir iyo Beesha Mareexaan waxayna labadaan kursi loo hakiyay khilaaf ka jira beelaha dhaxdooda.