Jeneraal Zakiya: Casharadii aan ka dhaxlay hoggaaminta ragga Soomaliyeed – Maqaal

Manta waa sanad guuradii 3aad tan iyo markii la ii magacaabay Taliye-Xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaliyeed. Wallow xusida malinta sanadguurada ay madaxda waxqabadkooda soo bandhigaan waxaan go’aansaday in qaab ka duwan aan ku xuso sanad guuradeyda oo idinla wadaago dhibka uu leeyahay xilka. In wax qabadkeyga idiin soo bandhigo wax micno ah ay yeeleeyso ma jirto waayo xisaabta saxda ah waa maalinta qiyaamo oo ma ahan dokumentari aan isku soo jarjaray iskuna faaniyay. Qoraalkaan aan idinla wadaagay igama ahan niyad jebin balse waxaa rabaa in aan taabto xaqiiqad jirta (reality) si gabar walba oo dooneeyso in hey’ad iyo bey’ad ay ragg u badanyihiin madax ka noqoto ay isku tashato kana tashato qaar ka mid ah caqabadaha aan la kulmay.

1) Ku tasho Doqon walba inuu ku daan-daansado; Dhaqankeena suuban waxuu qoraa in gabdhahu ixtiraam gaar ah la siiyo, in la gardareesanin weliba hadii ay kuu gafto aanan gar u qabsanin kana aargoosan. Balse xil hadaa haysid qodobkaan kuma quseeyo waxaase ku tashataa in doqon walba ku daan-daansado, isku kaa kibriyo iskuna dayo in niyada kaa dilo. Raggeenu weli uma tababarna inay qof dumar ah ka amar qaataan ama goob shaqo ku maamusho, sidaa darteed waxaa lagaa rabaa inaad u heshid farsamo xikmad ku dhisan oo aad ku maareeysid. Hadaa sideeyda oo kale aad walaal, wehel iyo waalid dalka kuu joogin, ku tasho cadaadis dheeri ah iyo dagaal culus oo weliba kuu sii dheertahay in aanan heysanin qof culeyskaas kula qaada. Adkeeysi xoogan yeelo!

2) Dumarka u hiili lkn haka filanin hiil

Markaad tahay gabarta xilka ugu sareeysa haayso waxaa waajib gaar ah kaa saaran u hiilinta gabdhaha adiga kaa hooseeya balse lahayn awoodaada. Waxaa lagaa rabaa in waxeey dhihi karin u dhahdid, waxeeysa gaari karin gaarsiisid qofkii u gafana ka qabatid. Laakiin marnaba ha filanin in wax garab ah laguugu abaal-mariyo, bal waxeey u badantahay cadowtinamada ugu badan inaay kaaga imaata dhanka dumarka gaar ahaan kuwa aad si gaar ah madax u tahay. Ku tasho in weerarka laguuga soo qaadi doona inuu ka duwnaan doona kan lagu qaado ragga dhigahaaga ah waayo markii la rabo in nin madax ah la caayo waxeey u badantahay in lagu tilmaamo qabyaaliste, beenloow ama masuqmaasuq balse markaad tahay gabar madax ah si walba aad isku dhowrtid wax aanan ahayn sharaftaada lama abaaraayo. Ku tasho in eriyo anshax xun iyo sumcad dil ah laguu isticmaali doona, hadaa xitaa shahaado PhD wadatid waxaa lagu leeyahay waxeey xilka ku heshay tumasho. Waxaase ogaataa qof walba waxuu asiga yahay ayuu dadka kale ka dhax arkaa ee haka caroonin hana ka aarsanin kaliya ku kalsoonoow kartidaada waajibaadkaadana gudo.

3) Ku Xigeenimadu waa qud-basiro ee xilkaaga qiimo u yeel.

Ciidamadu weey xeer adagyihiin oo sideedaba taliye xigeen kama weyno kaaliye taliyaha guud. Balse xilku waa magac, sida aad adiga ugu awood yeeshid ayaa u awood yeelanee. Markaad tahay gabar u taliso ragg badan hadana xilkaaga awoodiisa uu xakameeyay xeerka aad ku shaqeeysaan waxaa u baahantahay inaad ku dadaashid sidaad awood ugu sameyn lahayd. Raggu markeey awood doon yihiin xoog ayee isku sheegtaan balse gabdhaha waxaa laga rabaa inay xikmad la imaadaan. Inkastoo xilalka ugu sareeya dowlada lagu qeybiyay hab qabiil hadana hadaa gabar tahay ha ku tashanin qaab qabiil inaad awood ugu yeeshid xilkaagu waayo awalbeey raggu ku maahmaheen “naag qabiil ma laha”. Waxaa raadisaa xirfad aad ooga fiicantahay ragga dhigahaaga ah xirfadaas xoojiso kuna xooji xilkaaga. Tusaale ahaan Taliska Ciidanka Boliiska waxaa ugu sareeyo 3 xubnood 2 ay ragg yihiin. Taliyaashaas ragga ah wey isku xoojin karaan qaab qabiil waayo mid waxuu abti u yahay Madaxweyna halka midka kale ina adeerkiisa uu yahay Ra’isul-Wasaaraha dalka. Anigu fursadaas ma haysto sidaa darteed intaan iskugu haleeyn lahaa qab qabiil waxaa ka doorbiday qab qaran in aan sumcad ka raadsado waxaana xooga saaray kasbashada bulshada aan dartood u dhaartay waana sababta maanta la dhihi karo in aan ka mid ahay taliyasha dhanka siyaasada iyo bulshada ugu saameynta badan. Wallow aanan haysanin xitaa awood aan askari istaaf ah soo badasho hadana farsamada aan ciyaaray waa sababta ugu weyn oo iga hor istaagtay in ragga qaar weerar cad igu soo qaadan halka qaarkood xitaa la dhihi karo inay iiga baqaan. Xoogu waa caqli ragguyee, gabaryaheey xikmada iyo caqligaaga saliimka ah ku tasho!

4) Siyaasadu waa dhiiqo intaa iska dhowri kartid iska dhowr

Siyaasada Soomaliya waa mid 95% ay isku haystaan ragg waxa ay isku haystaan 100% ay tahay “aniga kaa xiniyo weyn” iyo “anigaa kaa mudan”. Sidaa darteed hadaa tahay gabar xil sare hayso ogoow 95% dagaalaha socdo inaysan ku quseyn waxaana kaliya xooga saartaa waajibka kaa saaran qaranka inaad dhowrtid. Waayo garoon ay ragg isku garacaayaan gabar gar ma ka gasho tan ku dhax dhacdana guul kama gaarto gurmadna ka heli mayso. Ku ekaaw waajibaadkaaga; hadaa si hoose u xalin kartid qilaafka markaas taagan xalkeeda gal laakiin sida ragga dhigahaaga ah ha isku moodin inaad garoonka kubada garsoore ka noqon kartid.

5) Qalad walba aad gashid waxaad u qoonsan doontaa gabdhaha kaa dambeya ee fejignoow

Hadaad tahay gabartii ugu horeeysay, middii sadaxaad ama middii boqolaad oo xil qabato ogoow qalad walba aad gashid inaysan adiga kugu koobneen oo lagu qiimeeyn doona hoggaaminta dumarka Soomaliyeed oo dhan. Sidaa darted iska ilaali inaad qalad gashid gaar ahaan qaladaadka ay galaan ragga dhigahaaga ah. Suaalaha ugu badan oo la i weydiyo waxaa ka mid ah sababta aanan weli u yeelan goof, guri ama hanti ma guurta ah madaamo ragga dhigaheyga ah iyo kuwa iga hooseeyo ay sameysteen. Wallow aan la kaftamo oo aan dhaho guriga iyo hantida sheegeysiin waxaa laga rabaa ninka doonaayo in faciisa ugu booteeyo in gabar jeneraalad ah ayaa ka soo ag-kacay hadana xaqiiqada waxa weeye in aan aad iskaga ilaalinaayo gabar taliye ah oo musuq-maasuq cagaha la gashay. Gabdhaha waxaa lagu tilmaamaa inay ka daacadsanyihiin ragga kana maamul fiicanyihiin; hadaan manta xilkeyga u adeegsado sidaan u yeelan lahaa hanti soo kama shaqeeynin in gabdhaha dib dambe lagu tilmaamin daacadnimo? Jiilalka soo socda waxeey naga mudanyihiin sunno iyo taariikh fiican in aan ugu tagno. Ogoow markaa tahay gabar madax ah in sharuudaha (criteria) laguuga qiimeenaaya inay ka duwanyihiin kana adagyihiin kuwa lagu qiimeeyo ragga dhigahaaga ah. Ma ahan wax xaqq ah balse waa xaqiiqada jirto oo loo baahanyahay inaad xalkeeda hesho.

Ugu dambeyn, hadaa nahay Soomali waxaa moodaa in xilka uu yahay wax lagu xaragoodo. Haku sirmin gaariga bullet-proofka ah aad wadatid, am ciidan iyo shaqaale kaa daba ordaaya ama ragg waaweyn oo ku soo wacanaaya ama dhalinta masuwaro kula galaaya. Waxaas oo dhan waa dhalanteed oo halaagay ragg iyo dumar badan oo kaa horeeyay kaana dambeyn doona. Imisaa ayaa sanadihii la soo dhaafay awood xoogan baladka kulahaa mantana kuwii shalay ay yasaayeen baryaaya? Xilku waa xabsi aduunyo iyo xisaab aakhiro; ama sidii Nelson Mandela xabsigaaga guul ugu badalo ama sidii Saddam Xussein ku dhax dhimo. Waa sidaa adiga xikmada u adeegsatid.

FG; Mandela iyo Saddam diintooda kama hadlin kaliya hoggamintooda kala duwan ayaan tusaale ahaan u soo qaaday ee qiblada yeeysan kaa wareerin….

W/Q: Jeneral Zakiya Xuseen

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid